Muuse Biixi Iyo Talada Dalka XIRSI Waa Nin Dhacdada Sameeya (Qaybtii 30aad) By: Maxamed Xoosh

Maan Akhriyin Buuga Uu Qoray Xirsi Kana Sheekayn Maayo Balse Waxa La Gaadhay Xiligii Xirsi Is Iib Geyn Lahaa Waayo ?

Xirsi Ma Aha Nin Keligii Siyaasadda Ku Jira Wuxu Matalaa Bulsho Dhan , Deegaamo, Qurbe Joog,GANACSATO, Culumo…..

Xirsi Iyo Team-kiisu Waxay Iska Soo Dhaadhiciyeen Deegaanka Barriga Burco Si Wanaagsan Ayuu Ula Jaan Qaaday Ilaa Uu Ka Gaadhay Mansibkii Ugu Sareeyay Siyaasada Ee Matala Dano Dad Gaar Ah

Hadana Wuxuu Isku Iib Geeyay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Waanu Ku Guulaystay

Imika Wuxuu Isku Iib Geynayaa Bulsho Weynta Somaliland Si Hankiisa Siyaasadu uu u Hir Galo

Wuxuu Si Fiican u Akhriyay Nafsiyada “Psychology “ GA Soomaalida Inay Yihiin Dad War Jecel BAL WARAN MAXAAD HAYSAA ?

Si Hadalkiisa Loo Dhagaysto Waa Inuu u Sheegaa Wixii Qarsoonaa Ama Ay u Haysteen Sir Aan Loo Ogolayn Cid Aan Ka Ag Dhawayn Khusuusiga Gaarka Ah Ee Ka Ag Dhaw Madaxtooyada

Xiris Bilaa Shak Waa Dadka Yar Ee Dhacdooyinka Sameeya Hadii Uu Xil Hayo Iyo Haduu Dibeda Joogaba Markii Wasiirka Ahaa Kol Uu Dadka Madax U Yahay U Faano Oo Laabta U Garaaco Ama u Gabyabo Iyo Kol Uu Soo Dhawaysto Oo Xil Iyo Qandaraasyo Siiyo Iyo Badh Uu Fogeeyo Oo Dadka Oo Dhan Ku Kiciyo Sida “Muuse Biixi”

Markaa Xirsi Wuxuu Sidaa Risaalad Ama Fariin Taasoo Uu Doonaayo Inuu Gudbiyo Inta Uu Noolyahay, Xirsi Wuxuu Xariif Ku Yahay RABITAANKA DADWEYNAHA SOMALILAND Sida Awgeed Dad Badani Waa Ka Raali Maanta

Xirsi Wuu Iibsamay Weliba Qiima Sare Ayuu Is Gaadhsiiyay Xaga Bulshada Oo Badankoodu Yihiin “CAAMO AH” Wax Ma Garato Siyaasi Ah

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso