Cigaal mee caynaanka ha qabtee? Baaba’a Kulmiye iyo Baahsanaanta ummada Kulmiye = SNL ?

Cigaal mee caynaanka ha qabtee?
Baaba’a Kulmiye iyo Baahsanaanta ummada
Kulmiye = SNL ?
Hordhac.
Bahda Mareegta Farshaxan
Oktoober, 2018

Afeef:
“ Illaahay ha u naxariisto Maxamed Xaaji Ibraahin(Cigaal) oo garanyey gefkii 1960kii loo geystay dadka iyo dalka Soomaaliland, doonayeyna inuu saxo qaybtiisii ayaa keentay inuu la yimaado qorshe uu dalkani ku ilaashanayo madaxbanaanidiis. Wuxuu marxuum Cigaal sameeyey ciidamo qaran, bileys qaran, baasaboor qaran, wasaarado qaran, kala danbeyn qaran, dastuur qaran, afti qaran, golayaal qaran, calan qaran, hees calan qaran,u hawlgaley in la sameeyo darajooyinka ciidamada, u hawlgaley sugida xuduud qaran,hirgaliyey kalsooni qaran, dhidibada u taagey warbaahin qaran, u dhaqaaqey sameynta xisbiyo qaran, iwm. Qoraaladani waxay ka afcelinayaan in halkaasi dib u socod ku yimid uu masuul ka yahay Xisbiga Kulmiye iyo mucaarid kaalmeeyey”
Xill ku beegnayd 2003kii ayaan qoray qoraal sumadiisu aheyd xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii SNLmaxay wadaagaan? Waxaan is idhi bulshada bal taariikh ahaan dareenkooda ku baraaruji. Fal-celin taban oo aaney ka muuqan in ummadu fahantay fariinta iyo dareenkuu qoraalku xambaarsanaa ayaa soo ka soo noqotay in la tuhmayey.
Waxaa markaa bulshadu aad u soo dhaweynaysay xisbigaasi oo la aasaasey 2002kii. Waxaan la yaabey dadka ku sii burqanaya ururkaasi isku rogi doona xisbi oo ah aqoonyahanadii iyo waxgaradkii bulshada. Waxaa isku kay qaban waayey dhacdooyiin badan oo u baahnaa in laga tashado oo la ilduufay.Waxaa ka mid ahaa:
Sidii loo aasaasey xisbigaa oon loo fiirsan,laysna waydiin ilaa iminka; dadka u garbo-xaytay in la aasaaso xisbigaa oo aqoon hore loo leeyahay,lana soo tijaabiye; guuldarooyin badan oo loo tirinayo hogaanka xisbigaa; xubnaha qabqablayaasha ka ah xisbigaasi oo intii SNM jirtay iyo intii Maandeeq dib loo xeryokeenayba ahaa qas wadayaaal iyo daneystayaal; iwm.
Waxaa qolyahay u ololeeya Xisbiga Kulmiye ku xardheen mareegtooda (Kulmiyeparty.org) sidan:
“Kolkii la arkay baahida loo qabo xisbi qaran oo ku foogganaada danaha ummadda isla markaana dalka ka saara duruufihii adkaa ee waagaas, waxa la yagleelay xisbigan 2002-dii. Kolkii la aasaasay xisbiga waxa la isku keenay guud ahaan aqoonyahannadii waddanka si loo dejiyo siyaasadda xisbiga ee hoggaaminta dal curdin ah oo dagaallo ka soo baxay”.
Markaad akhrido intaa aan ka soo dheegay mareega Kulmiye, eed aad ugu fiirsato waxaa si sahlan kuugu soo baxaya in qoraalkaasi siiba erayada ah “Kolkii la arkay baahida loo qabo xisbi qaran oo ku foogganaada danaha ummadda isla markaana dalka ka saara duruufihii adkaa ee waagaas, waxa la yagleelay xisbigan 2002-dii” oo ka hor imanaya hab-dhaqanka xisbigaasi oon u heelaneyn danaha ummada,had iyo jeerna ka boqno gooyo halkey u daran tahay –siyaasada arimaha dibada iyo gudaha-.
Waxaa xisbigaasi markii la aasaasey hogaankeeda wada qabtey mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo noqdey gudoomiyaha iyo mudane marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo noqdey gudoomiye-ku xigeen. Hase yeeshee doorashadii ugu horeysay ee 2003 hogaankaa sidaa u dhisan laguma galinee waa la kala daatey. Horaa loo yidhi ma bay dhalanee dhawrteysan ogaa!!!
Mudaddii u dalka Soomaaliland hogaankeeda hayey xisbiga Kulmiye oo ah 2010 ilaa iminka waxaan muran ku jirin in labada arimood ee dibada iyo gudaha ay boqno-goyeen. Dalka iyo dadkan gaadhsiiyeen meel ay adag tahay sida looga soo noqdo, ilaa iminkana ay ku foogan yihiin sii burburinta waxa ummada isku haya iyo halkey dadku hiigsanayaa.
Intaa waxaa kaalin togan ka qaata oo Kulmiye ku kaalmeeya xisbiyada Mucaaridka oo gabey kaalintoodii, una biyeystay inay Kulmiye ku garab galaan , kuna soo saaraan inuu kala daadiyo dadka si bulshadu iskugu foognaato , dalkana gaadhsiinin meel mudan marka loo eego siyaasada arimaha gudaha iyo dibada.
Dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan guul lagu naaloodo kuma nagaado, dadkuna uguma aayo. Xanaftii Doorashadii 13 Nofember ee 2017 ayaa ku dhawaad bulshada kala qoqobtay, xukuumaduna aaney u heelaneyn wax ka qabashadeeda. Waa laga yaabaa inay dhaqdhaqaaq qawda maqashii ah durbaanada loo garaaco, hase yeeshee ilaa iminka labada laga aradan yahay dhib badanina ka taagan tahay waa labadii bulshadu u heelanayd ee arimaha gudaha oo bulshada isku soo dhaweyn laheyd iyo arimihii siyaasada oo dhaafi waayey shir ma dhaleys ah iyo xarun cusub oo la furay…
Markii lagu guuleystay in aftidii dadweynuhu ku soo gabagabwdo guul ayaa loo sahay qaatey in unko ururo u tartamaya siday iskugu rogi lahaayeen. Arimaha sidan oo kale oon dadkeenu u bisleyn waxay u baahan yihiin gadhwadeen ee uma baahna weedho tilmaameed iyo garnaqsi toona. Sidaa darteed ayuu marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal magaacabey guddi u halgasha aasaasida ururkii UDUB (Ururka Dimuqraadiga Ummadda Bahawday afka qalaadna ku noqoneysa United Peoples’ Democratic Party). Waxaa gudidaa ka mid ahaa Maxamed Siciid Gees, Axmed Yuusuf Ducaale, iwm. Gu’gii 2001 ayaa lagu dhawaaqey in la unkayo ururka UDUB. Mar haddii bulshadii heshay gadhwadeen waxay u guntadeen inay u dhaqaaqaan sameynta ururada, waxaana la sameeyey ururada ay ka mid ahaayeen UCID,ASAD, HORMOOD,SAHAN,ILEYS, BIRSOOLiwm.
Hase yeeshee markii la sameeyey ururka ASAD oo uu hogaaminayey mudane Saleeban Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ayaa waxaa uu la yimid khilaaf ba’an oo bulshada dib ugu celin gaadhey reernimadii laga soo baxayey. Waxaase gaashaanka u qabtey oo dhabada toosan ku soo riday Marxuum Cigaal oon la garnaqsan ee muujiyey hogaamin ay ku ladhan tahay gadhadeenimo. Talada ku darsoo marxuum Cigaal wuxuu xabsiga u taxaabey muddadaa la unkayey xisbiga ASAD ka hor gudoomiyaha ururkaa Saleebaan Maxamuud oo ku eedaysnaa qaran dumis iyo inuu diidan yahay gooni isu taaga dalka Soomaaliland.
Marxuum Cigaal wuxuu arkey in hanaankii siyaasadeed oo la ambaqaadayey ay boqno-goynayso gefkii uu hormoodka ka ahaa mudane Saleebaan Maxamuud.Sidaa darteed ayuu marxuum Cigaal la yimid go’aan muujinaya gadhwadeenimo oo ka afcelinaya xilka madaxweyne ee loo doortay. Waxaanu si cad u muujiyey in la diiwaangalinayo ururada.Hase yeeshee go’aankii loo dhaqaaqey oon fulin ayey geeridu haleeshay marxuum Cigaal.
Gadhwadeenimadii Marxuum Cigaal,waxaa markaa sii anbaqaadey mudane Daahir Riyaale oo suurtogaliyey in halkii uu marxuum Cigaal kaga tagey hore looga sii socda, hankiisiisii siyaasadeed ee uu unkayna laga midho dhaliyo. Wuxuu mudane Daahir Riyaale qabtey doorasho dhexmartey saddexdii urur eek u guuleystey inay u digo-rogtaan xisbiyo oo kala ahaa UDUB,KULMIYE, iyo UCID bishii Abril 14, 2003. Ururada hadhey ee waxaa ka mid ahaa ururka SAHAN oo ay hogaankiisa ka mid ahaayeen Cali Maxamed Warran-cadde, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse, iyo Muuse Biixi Cabdi oo iminka ah madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland.
Haddaba qoraalkani wuxuu hordhac u yahay qoraalo ku saabsan hab-dhaqanka hogaanka dalka Soomaaliland ee xisbiga KULMIYE. Waxaa qoraaladaa ka mid ah :
1-Garnaqsade mise Gadhwadeen ( Shirkii Jaraa’id ee 20/10/2018 uu jeediyey M/weyne Muuse Biixi.
2- Mar Kale iyo Dr. Sacad Cali Shire – Walwalaaqida Arimaha Dibada.
3- “Wasiiradeydy Dadna igama celiyaan, hadalna iguma celiyaan” M/weyne Muuse Biixi.
Iwm..
La soco qoraalada danbe
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso