Qurbaanka Aqoonsiga

Qurbaanka Aqoonsiga

Aadanuhu waa bulsho jecel in ay saamayn iyo kala sarrayn isku yeeshaan, qofku dareenadiisa inta badan ma dedo ee waxa uu jecelyahay in uu soo bandhiggo, arrinka keena weeyi in qof curiyo wax la mahadiyo, taas oo dhaxalsiisa in uu mutaysto in la aqoonsado aragtidiisa ama aqoontisa curineed, waana sababta aynu waayadan u aragno abaalmarrinaha Noble Prize, Lifetime Achievement iyo Oscar oo lagu weynneeyo dadka dunida ku soo kordhiya hal-abuurnimo, aqoon, aragti ama lagu maamuuso kaalintooda fanneed.

Kooxdaas waxa ku lammaan duul cuqdad ka qaba naftooda, amase kalsooni darro ka hayso; midabkooda, aqoontooda, diintooda iyo aragti la’aantooda. Dadyowgaasi waxa ay u gacan haadiyaan qaar ay ku tuhmayaan inta ay tabayaan ama se ay lumiyeen. Sallaan ayey qaataan sidii ay u gaadhi lahaayeen naadigaa ay ku taamayaan ka mid noqoshadiisa. Si loo huwiyo magacyada ay majeeranayaan; waxa ay iskugu magac bixiyaan, aqoonyahan, fikire xor ah, curiye iyo magacyada la sooca ah, waxa ay qalaan qurbaan si albaabadaa loogu furo, loona buunbuuniyo.

Qurbaanka laga rabaa waxa uu ku xidhanyahay hadba naadiga laga doonayo in ay ku biiraan baaxadda uu leeyahay iyo halka uu caalamka kaga yaal. Haddii uu naadigaasi waddamada horumaray ka mid yahay waxa loo laqimaa dhowr erey oo ay ku duraan Ilaahay, Quraanka iyo Nabi Maxamed. In aan idiin magac dhabo uma baahnidiin inta qof ee magac ku yeeshay aflagaadaynta diinta Islaamka.

Haddii se uu naadiga qurbaan aqoonsiyeedka siinayaa ka mid yahay dalalka soo koraya arriinku wuu ka sii sahlanyey; wadaaddo la maago, gadh, xijaab, khamiis, xadiis aqoondarro lagu duro, saxaabi la dhalleeceeyo iyo arrimo aan sidaa u sii ridnayn ayaa laga rabaa dhalleecayntooda.

Sababta ay dagta u saaranayaan maagista lamataabtaanka diintu waa is-waa-qofeed oo qofnimadooda ku dhacay, shakhsiyaddooda oo ay quudhsanayaan darteed ayey god walba u gelayaan oo ay isleeyihiin waxa aad ka heli kartaan fakaag. Cidda ay isudhererinayaan waa dad lagu majeertay kaalintooda curineed, si ay raggaa isugu dhereriyaan xeelad walba waa in ay la yimaaddaan. Qurbaanka cidda ay u loogayaan dalabkooda in ay fuliyaan waa mid aan doorasho lahayn, waa sababta aad u arkayso iyaga oo maalinba meel ka soo mudh leh.

Aqoonsi sugayaashaasi waa duul u baahan in loo gurmado, oo loo sheego in u ka leexday aqoonsi badigoobkoodu, kana galay meel leexsan. Saamayntu maaha indha adkaan iyo wax walba isuqaadid, ceebayn iyo dhaleecayn ergis ah. Nooluhuna wuxu ugu ayaan darranyahay kolka u soo celiyo dood hortii la jabiyey, moogganyahayna hortii xaggii lala soomaray, se isaga hal dhinac laga soo tusay oo ah gartii ay ku taagnayeen ciddaa uu la dhacsanyahay.

Afkaaruhu in ay soo noqnoqdaan oo dib isu soo celiyaan mid la fogaysto maaha, hase ahaatee waxa layaab ah in ka soo waaridayaa ka dhigo mid hortii la arag oo aan laga doodin. Waa midda ku tusinaysa buug ay soo akhriyeen in ay kaaga dhigaan aragti cusub oo ay hadda gorfeynayaan ama naqdi aan hortood la taaban.

Saamaynta lama ilawaanka ah ee jirriddeedu muddo badan sii jirtaa kuma timaaddo iskayeelyeel, qof walba isku dhererin iyo adiga oo guntaadu madhantahay in aad naawisho in aad noqoto mid aqoonsi hela geeridiisa dabadeedna magaciisu sii waaro. Hase ahaatee intaasi waxa ay ku yimaaddaan kaalinbuxineedda qofku nolosha wax ku soo kordhiyo. In qof kumanaan sannadood ka hor geeriyooday ilaa maanta magaciisa la xusuustaa kuma timaaddo qof jeclaysi laakin waa mid uu mutaystay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso