Madaxweynaha Shiinaha oo ciidankiisa Amray in ay u Diyaar garoobaan dagaal kasta oo degdeg u qarxa!

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa amar ku siiyay ciidamadiisa in ay la socdaan badda Koonfureed ee Shiinaha iyo Taiwan si ay u qiimeeyaan xaaladda ayna xoojiyaan awooddooda ay kula tacaalayaan xaalad kasta oo degdeg ah.

Telefishanka Rasmiga ah ee Shiinaha ayaa ka soo xigatay Bing mar uu socdaal ku tagay khamiistii ​​gobolka Guangdong in hoggaanka ciidamada millatariga ee koonfurta ku amray masuuliyad milateri oo culus.

“Waxaan u baahannahay in aynu dhammaan xaaladaha adag aan ku xisaabtano oo aan horumarino qorshooyinka xaaladaha degdegga ah,” ayuu yidhi Xi.

“Waa inaan kordhinaa layliyada diyaarinta dagaalka oo wadajir ah iyo layliyo loogu talagalay in lagu hormariyo awooda askarta iyo isu diyaarinta dagaalka,” ayuu yidhi.

Muhiimada taliska koonfureed ee badda Koonfurta Shiinaha ayaa ah xuduudka xiisadaha iyo howlaha militariga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso