Ma Amar Kale ayaa ka daba yimi degreetadii Madaxweyne Muse Biixi

 Ma amar kale ayaa ka daba yimi degreetadii 
      Madaxweyne Muse Biixi ku xayiray Raasiga
 

Dhulka Doonidani taalo waxay ahayd bada Berbera maantana waa dhul.
Madaxweyne Muse Biixi ayaa degreeto soo saaray January 2018,waxaanu gacanta dawlada dib ugu soo celiyay dhulka Raasiga dekeda Berbera,dadkii la siiyayna dhamaan lagala noqdo waraaqaha lahaan shaha.
Waxaynu ogayn AHN 2dii Madaxweyne M.I.Cigaal iyo D.R.Kaahin inay dhulkaa xayireen,madaxweynaha haatan dalka hogaaminayaana uu sidoo kale fuliyay dhulka Raasiga dekedu yahay dhul qaranku leeyahay.
Hadaba waxa la yaab leh dhulka doonidani taalo inuu sheegtay ganacsade Cabdiraxmaan Faarax Xarbi kadib markuu aasay biyahii bada ee ay doonidaasi taagnayd.Intaanu aasin ka hor ayaa waxa u yimi muwaadinka doonida leh,lana yidhaa Md.Cabdiraxmaan Axmed Cali.Maxaa dhacay? Waa sidee ina F.Xarbow? Miyaanad inaba dareemin doonida inay cidi leedahay? Miyaan se Madaxweyne Muse Biixi degreeto ku joojin,kuna xayirin lahaan shaha dhulkan Raasiga dekeda? Weydiimahaa ayuu mulkiilaha Doonidu daran doori ugu ganay ganacsade C/Faarax Xarbi.Waxuu ugu jawaab celiyay adr ka jiido doonidaada,dhulka biyaha ka hooseeya anigaa leh oo waan aasayaaye!!! Hada dhulka doonida lagama jiidi karo.Ganacsade C.F.Xarbi xil iskama saarin inuu ka hawl galo habkii doonida looga qaadi lahaa.Mulkiila hiina awood uu ku qaado wuu u waayay isagoo gardarradii lagu sameeyay iskaba liqay. Arrinkii waxuu galay maxkamada gobolka Saaxil.Dhibane C.A.Cali oo ah muwaadin danyar ah ayaa dacwada ku soo oogay ganacsade C.F.Xarbi balse sidaynu wada ognahay dacwadaha noocan ah waxa qayb culus ka qaata sida loo kala maal badan yahay.Maah maah Somalilander ah ayaa tidhaa(Marna taagtaa marna tamartaa). Akhriste,waxa la yaab leh markay maxkamadu dacwadii dhibanaha u gudbisay ganacsade C.F.Xarbi si uu uga jawaab celiyo ayuu warqad maxkamada u qoray,waxaanay u dhignayd sidan(Nin kaasi doonidiisa 10 casho gudahood ha kaga qaato dhulkayga,dacwadana halkaa ha lagu xidho).Maalintii ku xigtay ee ganacsadahu qoraal kaa amarka ah u gudbiyay maxkamada ayaa  maxkamada G/Saaxil go’aan ku soo saartay sidii ganacsadahu ka codsaday,weliba waxay dhibanahii dusha ka saartay kharashkii ayada oo aan ka garnaqin,dacwadana aan wax dhegaysiya ka samayn!
Waxa hadaba isweydiin leh garsoorku miyaanu u sinayn muwaadiniyiinta kuwa garbaha yaryar leh iyo kuwa garbaha waa weyn leh? Mise waxay ku dhaqmaan miskiin baa misko la fuulo leh!
Akhriste,ma waxa jirta degreeto 2aad oo Madaxweyne Muse Biixi kaga noqday tii hore? Mise kuma jirto hadii bada qoorigeeda la aasto.
Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan bidhaaminayay xaq darrada garsoorku garabka ku siinayaan sida loo kala tun weyn yahay,loona kala aduun badan yahay.
Waxaan Gudoomiyaha maxkamada Sare Prof.Adam X.Cali ugu baaqayaa inuu xil iska saaro dacwadaha xasaasiga ah,gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh Raasiga dekeda Berbera.

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
       

Advertisement

Ku Xayeysiiso