Sarkaal Ka tirsan Guutada 99aad ee Ciidanka Qaranka Oo Muddo Bil Ku Dhaw U Xidhan Shirqool Janankiisu ka Dambeeyo

CABDIRISAAQ Yusuf Cilmi (Cabdi Buqul) Oo Ka Mida Ciidanka Qarankaa Somaliland Iyo Ururkii SNM Waxa uu U Xidhan yahay Shirqool ku xidhiidhsan Jabhada Kornayl Caare

Hargeyasa ((Togaherer)- Abdirisaaq Yuusuf Cilmi (Cabdi buqul) oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga ee Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa in uu mudo Bil ka badan u xidhan Dawladda Somaliland, waxaana warar xogogaal ah oo la xidhiidha sababta Sarkaalkani ciidanka qaranka ka tirsani Xabsiga uu ugu jira ay ka dambeysa ka dib markii sida la sheegay Taliska Ciidanka Qaranku ay ku eedeeyeen in uu taageersan yahay Korneyl Xasan Caare oo hore uga tirsanaan jiray Ciidanka qaranka balse haatan Jabhad guddaha Maamul goboleedka Putland ku sugan oo Somaliland dagaal kula jirta hogaamiya.

Xoguhu waxay inta ku darayaan ilaa hada ma jirta eedayn kale oo loo sheegay in uu xidhan yahay balse Askari Abdirisaaq Yusuf Cilmi (Cabdi-buqul) oo ka mid ahaa raggii mujaahidiinta SNM ee dalka Somaliland dib u xorayntiisa u soo halgamay Illaa imika ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaana tirsanaa guutada 99aad ee ciidanka qaranka, ayaa maamulka Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku eedeeyeen kuna soo xidheen caarre ayaad ku socotay, haddaba Sarkaal Cabdi Buqul, ayaa kaliya waxa uu ku eedaysan yahay waxaad niyada ka taageersan tahay Kornayl Caare iyo Jabhadiisa, eedayntan nooceedu ugubka ku yahay Ciidamada qaranka Somaliland dhexdooda, waxaana sido kale Sarkaalkani ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan muda Bisha ka badani uu xoriyadiisa ku layahay isla markaana Xuquuqdiisii muwaadinimo iyo tii qarankiisa Somaliland iyo dib u xoraynteedaba uu kaga soo qaybgalay loogu abaal guday in Xabsi la dhigo isaga oo eed looga dhigay arintani aan cadaynta loo haynin sida uu dadkii la kulmay intii uu xidhnaa u sheegay Sarkaalkaasi.

Dhacdadan ayaa la mid ah dhacdooyinkii dhammaadkii dawladdii Somalia ee Madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre uu kula dhaqmi jirtay Dadkii wakhtigaa loo yaqaanay Goboladda waqooyi oo Afgarashadeedu ahayd SNM-tii ayaad ku socota.

Advertisement

Ku Xayeysiiso