Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Rag Siyaasi Wada Noqay (Qaybtii 29aad) By :Maxamed Xoosh

In Dadku Daneeyaan Siyaasada Iyo Arimaha Bulshada Waa Arin Ku Dhawaad Dhawr Boqol Oo Sano Dunida Haystay …. Waxaa Lagu Tilmaamay Siyaasadu Bulshooyinka Inay u Gashay Kaalintii Caqiidada “Diinta”

 

Ma Runbaa Siyaasada Waxa Gala Dad Hibo Gaar Ah Leh ?

 

 

Albaabka Siyaasadu Wuu Furan Yahay Cidna Ma Diido, Waa Ciyaarta Kubada Cagta Oo Kale Cid Waliba Wey Sheegataa Ciyaarteeda Laakin Fagaaraha Iyo Kubada Ayaa Kala Saara Cida Ciyaartoyga Ah Iyo Cida Aan Weligeed Gudbin …

 

Ma Jiraa Dhaqan Badan Oo Laga Dhaxlo Waalidiinta Iyo Degaamo Ay Ku Badan Yihiin Dadka Bulshada u Arimiyaa ? HAA Dunida Oo Dhan Balse Qofka Kama Dhigi Karto Talo Qabeen Buuxa Waxay Kabaysaa Keliya Hab Dhaqanka Qofka …

 

In Qofka Siyaasada Danaynayaa Fahmo Arimaha Bulshada Waa Arin Daruuri u Ah Qofkaa Danaynaaya 

Tusaale Waxaan Arkay Laba Nin Oo Midi Qurbe Joog Hanti Leh Oo Weliba Shahaadad Aqoon Tii Ugu Saraysay Sita Dabci Wanaagsan , Gacan Furan, Daneeya Arimaha Bulshadu Tebayso Iyo Wixii Lagu Yaqaanay Nin Siyaasad Doonaaya ….. Oo Ilaa Imika Isaga Iyo Bulshada Teed Kala Dhex Yaalaan “Weli Muu Fahmin Sida Dadku u Fakiraan” Iyo Wax Kale Badan…

 

Ninka Labaad Waa Qolqol Joog Oday Dhaqameed Noqday Waxa Wax Laga Weydiiyaa Talada Dalka Oo Dhan Waxaad Moodaa Dadku Inay Xadhig Ugu Xidhan Yihiin Shaxda Siyaasada Iyo Dhaqanka Ciyaarteeda Si Wacan Ayuu u Yaqaan Mar Walba Dadka Iyo Dalku Wuu u Baahan Yahay
“Wuxuu Master Ku Sitaa Qaabka Bulshadu u Fakarto” Iyo Wax Kale Badan….

 

Bulsho Welba Waxa Ka Saara Wareerka Rag Siyaasiyiin Ah Dhif Ah Oo Ka Aragti Dheer Bulshada Inteeda Kale Oo Qabiilku u Yahay In la Isku Garto, Dalkeena Somaliland Nooca Laagu Jecelyahay Waa Siyaasiga Dabada Geliya Qabiil Oo Waa Kuwa Ugu Badan Ee Musuqa Sameeya Dalkan Ragaadiyay

 

Sooyaalka Taariikheed Marna Ma Dafiro Ninka u Daacada Ah Dalkiisa Iyo Dadkiisa

 

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso