BAROORTU KHASHOOGI KAWEYN

Waxa isasoo taraaya hadalada canbaataynta iyo caga-juglaynta iskugu jira ee wadamada reer galbeedku warbaahinta u marinayaan boqortooyada sucuudiga ilaa intii ay ku cadaatay dilkii suxufigii sucuudiga ahaa marxuun Jamaal khashoogi ee lagu eedeeyey in khildad ay soo maleegeen qoyska reer boqorka sucuudigu lagu khaarajiyey gudaha safaarada sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Boqortooyada sucuudiga ayaa hore loogu eedayn jiray inay ku xad gudbaan xuquuqda Aadamaha oo ay tacadi  waxyeelo leh iyo cabudhin ugeystaan Dadka dalkooda sidoo kale weli fuliya xukunka dilka kur-kajarka ah, sikastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee lagu dilo ruux sucuudi ah dal aan sucuudiga ahayn laguna eedeeyo qoyska reer boqor, waxay ahayd 2010 markii lagu eedeeyey kuna cadaatay  in Sacuud Cabdicasiis bin naasir Al sacuud uu kudilay nin sucuudi ahaa Una dilay si bilaa naxariis ah oo waxashnimo ah gudaha hudheel kuyaala ingiriiska hase yeeshee looma buunbuunin sida loo buunbuuninaayo Dilka suxufigan.

Waxa lawada ogsoonyey Sidda daafaha dunida tacadiyada loogu gaysto lagooguna laayo suxufiyiinta maalin walba siiba bariga dhexe iyaga oo howshooda gudanaaya se aan laba cali isku weydiin cidina u baroordiiqin.

Hadaba Dalka falkani ka dhacay ee Turkiga ayaa isagu baroorta iyo hoogayeyda baroordiiq hawada marineyn se u muuqda mid hoosta sucuudiga uga qaadaya ‘Waa Lagu Digtaa Ruux Haduu Kuu Darnaan Jiray’.

Hadal iyo dhamaan waxan oo Baroor ah waa laba mid,

1, in uunan Khashoogi suxufi kaliya ahayn ee uu ahaa sirdoon u shaqeeya wadamo kale siiba kuwa nidarka maraaya.

2, in dhaxal sugaha sucuudiga amiir Maxamed bin salmaan oo runtii ah siyaasi soo faadalo cad wadana isbedel Weyn oo ku noqon karaaya caqabad wadamo badan oo danahooda si sahlan uga fushan jiray, sidaa laajigeed looga goleeyey in meesha laga saaro ama in lagu keeneynaayo oo laga xidhaayo gonofka si uu u noqdo hogaan qabad garka loo hayo oo u hogaansama, Una hakiyo wuxuu maanka ku hayey markii la boqro.

Haddii aanu arinku noqonba Gugii Carbeed Jiilaalkii xigay,

Sikastoy noqotaba runtii Baroortu Khashoogi kaweyn.

Wixii jiraaba cakaaruu iman

Qalinkii Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso