Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska una qoondaysan degmooyin tilmaayey tabashodooda muddo 10 taban sannadood ah lagana quusna kana quustay in wax loo qabto

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha  reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska una qoondaysan degmooyin tilmaayey tabashodooda muddo 10 taban sannadood ah lagana quusna kana quustay in wax loo qabto

ka: odayaasha kor ku xusan.

Ku:wasaaradda caddaaladda iyo daryeelka dadka dulman.

Ku:wasaaradda diinta iyo awqaafta

Og: Bulshada dhammaan reer Somaliland.

Og :aqoonyahanka daacadda dalka u ah.

Og Mujaahidiinta dalka u soo halgamay.

Caasimadda  Somaliland ee Hargaysa sida la ogyahay waxay ka koobantahay 6 degmo  3 saddex ka mid ah degmo oo tabashodoodu soo jiitantay muddo taban sannadood ah degmooyinkaas oo kala ah degmada Axmed dhagax ,Degmada Maxamud haybe Demada Maxad mooge raggaas demooyinka looggu magac daray waxaynu Allah uga baryeyna in uu godka u nuuro una waasiciyo tabashadooda waxaa ka mid ah biyo la,aan soo wajahday qashinka oo ay dawladda hoose cashuur kaga qaaddo oo ay haddana shirkado gaar loo leehay ay lacag kale ku bixiyaan kaas  oo ay laba goor lacag ku bixiyaan, taasina waxaa wanaagsan  degmooyinkaas tabashodda dawladda dhexe tixgeliso intaas  waxaa u dheer xadhig joogto ah oo aannan fahmin sababta dawladdu u bartilmaameedsanayso

Ka dib markii ciil raagay ay cidi dhagaystana waayeen annaga oo aan raalli ka ahayn ku dhawaaqeen in ay caaasimmada ka takooran yihiin.

Dhibaatooyinka la soo darsay dalka guudahan waxaa lama tirin karo.

Dalka oo kala xidhan oo la garayn sababta keentay beelaha walaaha ah kala xidhan taas waxanu u aragna in loogu talaggalay.

Jabhado ka dhex dilaaacay oo aan la danayn dalku wuxuu ku so caano maalay wada tashi, is xidhidhin, kala warqaadasho, is dhaygsi, is turxaan bixin dawladdu marka dadkeeda dhagaysato ayuu dakuna dhaygasan karaa maaha in warbaahinta lagu qaldamo iyada laysu caqli celin karo.

Talo soo jeedin.

In aan laysaga jawaabin warbaahinta ee geedkii lagu garnaqsan jiray loo soo noqdo oo imikana guri noqday.In aan cadawga Somaliland loo qiilbixin waddakuna sir lahaado.In aan waddanka dagaal joogto ah la galin ee loo soo noqda hurumarkiisa.In ay beelaha walaaha ahi wadddankooda wada ilaashadaan cadawgoodana meel uga soo wada jeestaan.In ay dhallinyaradu ogaadaan in aanay dalka lahayn.In waddanka biyaha la wada gaadhsiiyo.in golaha deegaanka lagu soo xulo kartidiisa aqoontiisa ama aqonteeda in qofka xilka ummadda u qabanaya uu balwad ka nadiif yahay si cabasho ama tabasho joogto ah looga nabadgalo waran kugu soo noqon doona ha riddayn

ogow in maalin maalaha kamid ah aad adddunka ka tagayso janno fardawsa iyo cadaabka samhariira  midda adduunka ka tabcato ayaad leedahay abaalkeeda.

Ku dedaal in aanad wax ummadi wada leeday xalaasan

Waxaad risiqa adduunka ku leeday helimaysid mid ka badan haddii aad inta ilahay kuu qorsheeyey mid ka badan aad doonto adduunk ayaa laggugu sallidaya intii ilaaha kuu qorsheyna ka badsan maysid

Mar haddii arrinku sidaas yahay maxaa kuu diidaya in aad ku qanacdo inta Allaa naftaadu gacantiisa ku jirtaa risiqa uu kaaga qoray si aad uga nabad gasho cadaabka akkhiro jannada u kasbato

Deeq Cabdi Digale

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso