Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Maamul-Wanaaga, Xeer Lr. 58/2012;
Markaan Arkay: Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka, Xeer Lr. 67/2015;
Markaan Arkay: Xeerka Guddida Dhawrista Tayada, Xeer Lr. 68/2014;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Axmed Jaamac Maxamuud |
Xubin |
2. |
Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed |
Xubin |
3. |
Maxamed Axmed Cawaale |
Xubin |
4. |
Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi |
Xubin |
5. |
Dayib Aadan Xaaji Cali |
Xubin |
2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Naasir Ayjeex Jaamac |
Agaasimaha Fulinta |
2. |
Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim |
Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka |
3. |
Maxamed Jaamac Siciid |
Agaasimaha Tababarada iyo Horumarinta Hawl-wadeenada |
4. |
Maxamed Abiib Yuusuf |
Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka |
3) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Faysal Maxamuud Siciid |
Xubin |
2. |
Maxamed Ismaaciil Dhimbiil (Suufi) |
Xubin |
3. |
Cali Sheekh Muxumed Aw Cabdi |
Xubin |
4. |
Xasan Maxamuud Maxamed (Bakoosh) |
Xubin |
4) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Xuseen Xaaji Xasan Guuleed |
Guddoomiye |
2. |
Maxamed Xasan Sheekh Muumin |
Guddoomiye Ku-xigeen |
3. |
Cabdirisaaq Muuse Faarax |
Xubin |
4. |
Cismaan Jaamac Aadan |
Xubin |
5. |
Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) |
Xubin |
6. |
Axmed Cali Xirsi (Sulub) |
Xubin |
[
5) Masuuliyiintii xilalkan hore u hayey waxaan uga mahad-celinayaa muddadii ay Qaranka u soo shaqeeyeen.