Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo Booqasho Laba Maalmood ah ku tagay Itoobiya

 

 

 

 

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa safar ku tagay Itoobiya taas oo lagu sheegay booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadanaysa.

Markii uu ka degay Bole International Airport, madaxweyne Isaias Afwerki waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abi Axmed iyo wasiirka arimaha dibada Dr. Workneh Gebeyehu iyo mas’uuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.

Safarkiisa waxaa ku wehliya ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Erdogan.

 

Mudada booqashada madaxweynaha Eritera wuxuu wadahadal la yeelan doonaa ra’iisal wasaaraha Dalkaasi Itoobiya Dr. Abi Ahmed waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan labada dhinac ta goboleed si loo hormariyo nabadda, saaxiibtinimada iyo iskaashiga dhaqaalaha iyo is-dhex-galka u bilowday  labada dal ee walaalaha ah ayaa lagu yidhi war ay soo saartay Wasaarada Arrimaha dibada ee Itoobiya.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso