Ruushka Oo koronto u dhoofinaya Iran


Wasaaradda tamarta Ruushka ayaa maanta sheegtay in koronto Ruushku u dhoofinayo Iran iyadoo la sii marinayo dalka Azerbaijan kaas oo bilaabmi doona sanadka soo socda.

Tani waxay timid ka dib kulan ay yeesheen kooxda wadajirka ah ee Russia, Iran iyo Azerbaijan maanta magaalada Moscow kuna saabsanaa isku xidhka nidaamka tamarta ee saddexda dal.

Moscow iyo Tehran ayaa ka fikiraya mashaariic lagu dhisayo waddooyinka tamarta ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran iyada oo loo marayo Goergia, Armenia iyo Azerbaijan taas oo qayb ka ah dadaalada la isku xidhayo nidaamka tamarta ee dalalkan.

Horaantii, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in kororka isticmaalka korontada ee adduunka uu u furan yahay fursado ay Ruushka ku kordhinayso qadarka dhoofinta tamarta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso