Qoomamaynta Qalin-Jabinta Iyo Isu-Ekaanshaha Fikirka Siyaasigga Qallinka: Khadar-Jacayl

Sannad-baa sannadka ka dambeeya dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa u soo baxa jiil jaamiciyiin ah oo ka qalin-jibiyey jaamacadaha dalka.Islamarkaanna la jaan-qaada isbedeladdada ka jirra gayiga afrika iyo dunnidda inteedda kale.Ardayda jaamacadaha ka qalin-jabisaa waxay hammigga iyo higsigga maanka ku hayaan haddii qalinkii qalin-jabinta dhigtay waxaa maskaxda u maan-guurisaa helidda shaqo mustaqbalkaaga iyo qoyskaagga wax-tar u leh.

Balse taa bedelkeeda waxaa mooraalka iyo niyad-jabka ku ridda dadka siyaasadda iyo jaan-geynta dalka u heelan oo ugu suul-dhabaaleeya marka dantooddu meesha dhallinyaradda soo gasho, waxaannu abbuurayna shaqo lagu dhiirigelinayo dhalinyaradda dalka iyo dhalinyaradda oo ugu sacabo tumma siddii umul afartan baxeedii cillaansatay oo noqotay ilowshiyo dhawaa ma ummul-baa.

Hadaba akhriste aynu dul-istaagno Qodobo laba masuul isu-daba-mareen oo laga kala jeediyey laba madal oo kala duwan balse isu-qalin-jebin ah oo qalib-jab iyo rejo-xummo ku abuuray dhallinyaraddii isu-qalinjabinta iyo isu-qalbiga ah ee madaladda kala duwan ku kala qalinjabiyey.

Akhriste haynu ku hormarno hadalkii buuqa iyo sawaxanka ka abuuray Jaamacadda Burco ee uu carrabka ku dhuftay Masuulkii Gadh-waddeenka ka ahaa Xukuumadda Muuse Biixi ee Madasha Camirnayd rejo xumadda ku abuuray.

Agaasimaha Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile oo ah masuul dhallinyaraddu ka sugayeen in xukuumadda uu ka tirsanyahay dhalinyaradda u sameeyaan shaqo-abuur “Inaad Burco fadhidaan oo aad shaqo ka doontaa khasab maaha, Waddanka dhexdiisa halkii shaqo laga heli karaba tag, waliba wadanka haddii aad sii dhaafi karto Waddamada Jaarka ah tag, haddaad sii dhaafi karto meel kale u shaqo doono, Qol qol joognimadu hoos ayay kuu dhigaysaa,waxa weeyaan meel kasta oo ay noloshu kula gasho, waliba intay da’diinu u dhexayso 20-jir illaa 30-Jir khataro badan qaado oo horumar samee, oo meelo badan u shaqo tag, oo wax kasta isku day”.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe oo isagunna ka qaybgaliy qallin-jabintii toddobaadkan loo sameeyey jaamacadda Gollis baa isaguna tiraabay in aannu qorshaha ugu jirin shaqo-abuur dhallinyaro oo aanay siyaasiyiintu haynin qorshe dhiirigelin dhallinyaro isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Maanta dalkeennu jaamicado badan ayuu leeyahay; waa Ilaah mahaddii. Laakiin walaallayaal, waxa aannu idiin sheegaynaa [haddii aannu siyaasiyiinta nahay] waxba idiin ma haynno! Duco wax aan ahayn idiin ma haynno!“Anigu markii aan ka soo baxay jaamicadda 25 jir baan ahaa. Saddex bilood oo keliya ayaan shaqo la’aa oo Xalane ku jirey. Ka dib saddexdaa bilood waxa aan noqday injineer isuduwe gobol ah. Taasi waxay ku tusaysaa in aan qaran lahaa!”

Haddaba akhriste rejadda dhallinyaraddu waa mid u baahan in qorshe dhaqan-gal ah loo sameeyo. Dhallinyaraddunna joojiso sacab-tunka ku dahaadhan reernimadda iyo qoomamaynta qalin-jabinta Iyo isu-ekaanshaha fikirka Siyaasigga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso