Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wareegto Soo Saaray uu ku magacaabayo Xubno ka mid ah Dawladiisa

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 06/10/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Dersay:             Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;                      

 

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso