Dugsiga Horyaal Primary and KG School oo Xaflad sagootin iyo abaal marino iskug jirta u qabtay ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii shahaadiga

Dugsiga Horyaal Primary and KG School oo ka mid ah dugsgiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Hargaysa ayaa maanta oo Khamiisa kuna beegan 04/09/2018 waxa uu xaflad sagootina iyo abaal marino iskug jirta u qabtay ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Jamhuuriyada Soomaaliland, sanad dugsiyeedka 2017-2018, waxa kale oo iyagana abaal marino lagu siiyay madashaa ardaydii kaalmaha ka gashay imtixaankii dugsiga ee sanad dugsiyeedkii hore.

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxay ka dhacday Hotelka Ramaad, waxaana ka soo qayb galay marti sharaf aad u balaadhan oo iskugu jirta, waalidiin, siyaasiyiin, aqoonyahan, madax dhaqameed, maamulka iyo macalimiinta dugsiga, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay maamulaha Dugsiga Horyaal Primary and KG School Mudane Cabdiqaadir Cabdilaahi Caydiid waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyay hayaankii dheeraa ee dugsigu soo maray isagoo xusay in uu dugsiga aas aaskiisa bilaabay sanadkii 2013 hadda uu shanadkii shanaad dugsigu ku jiro, maamule Cabdiqaadir waxa uu faah faahin dheer ka bixiyay horumarka uu dugsigu mudaa ku talaabsaday, isagoo carabka ku dhuftay markii dugsiga la aas aasay in lagu bilaabay tiro arday ah oo aad kooban, haddana uu dugsigu ka kooban yahay 19 fasal oo afar qaybood u qaybsan.

Ugu daynbayntii Maamule Cabdiqaadir waxa uu xusay in sanadkan uu Dugsiga Horyaal imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland uu kaalinta Shanaad ka galay sidoo kale ardaydii fasalka sideedaad sanadka ka baxday in ay ku guulaysteen imtixaandka loo galo Dugsiyada Abaarso iyo Sheekh oo ah dugsiyada ugu tayada fiican dugsiyada sare ee dalka, waxaanu waalidiinta dugsiga ku dardaaray in ay aad ula socdaan waxbarashada ardaydooda.

Sheekh Maxamed Maxamuud Axmed oo ku hadlayay afka waalidiinta dugsiga ayaa waxa uu ka markhaati kacay tayada waxbarasho ee dugsiga isagoo oo tusaale u soo qaadatay ardayda isaga u dhigata dugsiga, mar uu arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, (marka dugsi waxbarashadiiisa la qiimaynayo waxa la eegaa ardaygaagu maalintii aad dugsigaa gaysay halkuu aqoon ahaan taagnaa, aniga maalintii aan aradaydayda dugsiga horyaal keenay waxna may akhriyayn waxna may qorayn maantana ilaahay mahadi haka gaadhee aqoontoodu waxay maraysaa meel aad u saraysa) ugu dambayn waxuu waalidiinta iyo maasuuliyiinta dawlada ee madasha joogay u soo jeediyay in dugsigu uu hana qaaday, kaliya waxa ka dhimana in ay tahay in dugsigu yeesho dhisme uu isagu gaar u leeyahay, Sheekh Maxamed waxa uu xusay dhibta maamulka dugsiga ka haysata kirada guryaha gaarka loo leeyahay ee uu dugsigu ku jiro waxaanu aad ugu nuux nuuxsaday sidii artaa waxa looga qaban lahaa.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Wadani Kayse Cali Geedi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Agaamisaha wasaardada gaadiidka iyo jidadka Mudane Cumar Cabdilaahi (Cumarsayid), Suldaan Cismaan Cabdilaahi Baane waxaanay dhamaantood tilmaameen sida dugsiga Horyaal uga tilmaamanyahay dugsiyada faciisa ah iyo horumarka xawliga ah ee uu dugsigu ku talaabsaday, waxaanay waalidiinta iyo bulshada u soo jeediyeen in dugsiga la is garab istaago lagana gacan siiyo sidii uu dugsigu dhul uu leeyahay u heli ladhaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso