Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Qurba-joog Siyaasi La Biday (Qaybtii 18aad) By: Maxamed Xoosh

Waxaan Akhriyay Qoraal Ay Isweydaarsadeen Laba Nin Oo Ka Cadhaysan In Jilibkoodu u Baahan Yahay Nin Shahaadad Sare Ka Sita Jaamacadaha Maraykanka Oo Xil Siyaasadeed Qabta `Waxay u Haystaan In Qurbaha u Jiro Ninkan Iyaga Ka Maqan`!!!

Waxaan Arkay Nin Isna Qurbe-joog Daacad Ah Oo Shiriyay Dhalin Yaro Badan Oo Isku Deegaan Ah Markii uu Hadlay Dan Guud Iyo In Wadanka Qaranimadiisa Ku Dheeraaday Laga Wada Dareeray Waayo Waxaanu Ku Hadlin Afkii Laga Fahmaayay Dalka `Inagga,Iyaga,Danteena,Magaceena,Iyo Gabayadii ….`

 

Waxa Ugu Weyn ee Bulsho Yeelataa Waa ´Garaad Siyaasiga` ah oo Lagu Kala Sooci Karo Yaa Ina Hogaamin Kara ?

 

Waxay Ku Qaadatay Kacaankii Faransiiska 1789 Ka Dib  Ku Dhawaad 100 Sano Bulshooyinka Reer Galbeedka Si Looga Jawaabo Yaa Ina Wadi Kara !!!

 

Waa Hayaan Iyo Wado Dheer Oo Soo Taxnayd  Qarniyo Badan

 

Anagga Waxa Nagu Waajib Ah In Wixii Halgankii Hubaysnaa Lagu Kasbaday In Aanu Ilaashano ´Xoriayadda Muwaadinka,Xoriyatul Qowlka,Ganacsiga Xorta aha,Xoriyadda Siyaasiga ah, Is Xukunka Shacabka, Isku Dhiibka Nabada ah Maamulka Dalka` Iyo Wixii La Halmaala..

 

Hogaanka Xisbiyadda Iyo Madaxda Dalka Waxa Ku Waajib Ah In Jaahilka Codka Badan Haysta Ay Ka Doorbidaan Nin Dadka u Tudhaaya Oo Cod Dhexdhexaad ah Haysta, In Dadkana Lagu Wacyi Geliyo Wanaaga Ninka Danaynaaya Dalka iyo Dalka, Waxaa Se XAQIIQ ah In Ninka Codka Badan Haystaa Ama Qabiilka Wato Inuu RUNTA sheegayo.

 

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso