TAWXIID CALANKA KU DHIGTA CADDAALAD DARANA KU DHAQMA!

TAWXIID CALANKA KU DHIGTA CADDAALAD DARANA KU DHAQMA!!

Astaanta Ummadi yeelato ee ay ku suntamaan kuna suntadaan dalkooda Una noqota calaamad lagu gartaa waa Calanka.

Calan waa shay yaalaa laga sameeyo maro leh midab ama midabo iskujira iyada oo calamada qaarkood sumad ama sawir ku jiro Qaarna qoraal u dheeryey kaas oo macno ugu fadhiya Cidda uu calanka u yahay ee samaystay ee uu u sudhanyey.

Hadaba Jamhuuriyada Somaliland calankii ugu horeeyey ee laga qotamiyo markii ay xornimada qaateen 26 juun 1960 kii waatii laga digo-rogtay maxaa yeelay waatii lagu calan saaray (SAREEYOW MANUSQAANOW SIDDUU YAHAY BAL EEGNEE KANA SIIB KANA SAAR) sidaa laajigeed SIDDUU yahay la arag oo caddaalad darruu ku sifoobay isagiina lasiib. Hada iyo iminka Somaliland calankeedu waa calan leh Saddex midab oo ay ku daabacantay Xiddig madow kuna xardhanyey Tawxiid,waa calan midab waliba macno ku fadhiyo oo runtii hadii la damco in midab midab loo kala qaado aan faaladiisa, falqayntiisa iyo faaqidaadiisa qoraal lagu koobi karin oo macno mug Weyn leh ku fadhiya, waana calan aan weligii dhacayn sida Tawxiidka ku guud xardhan.

Hadaba Ummada leh Calankaa qiimaha badan ee uu ku qoranyey in ay qirsanyihiin Illaahii caadilka ah SW Allah ee ina faray (haddii aad xukumayso dad ku xukum caddaalad)(suurada nisaa aayada 58aad) iyo rasuulkiisii subanaa scw ee ina soo gaadhsiiyey waxyigii Ilaahay, sidee ayey xukuumadoodu u baal maraysaa tawxiidka dul babanaaya ee ilaa xafiisyadooda miisaska u saaran oo ay u doorbidayaan caddaalad darada?.

Hadal iyo dhamaan hore loo yidhi “RaG CaDDaaLaD WaaYeY SiDii CaWSHa KaLa YaaC “

Se calanyow ha dhicin cidayna hakala cararine caddaalad darroy dhac.

Haddii Calankaa TAWXIIDKU ku dhiganyey

Caddaalad daro lagu dhaqmo hubaal waa lagu CADAAB mudan ee Caadilkiin u noqda oo cawaaqib xumo ha kasbanina.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland.

Qalinkii Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso