Aqoonsiga somaliland dood

“Hadii Dal Afrikan ahi aqoonsado Somaliland,ana waxaan kuu sheegi doonaa markay BRITIAN aqoonsan doonto Somaliland” Martin Plaut lataliyihii hore ee Arimaha Dibadda UK.
Waxaa soo diyaariyay Ahmedyasin sh cumar ahmed.
Dood heer caalami ah oo lagu qabtay Dalkà ingiriiska ayaa waxaa kulanka lagu falanqaynayay Mawaduuca -20 sept 2018

(External intervention and political developments in the Horn of Africa).

Waxaa doodda qabtay Machadka caalamiga ah ee IISS.

Martin bault la taliyihii hore ee arimaha dibadda UK sidoo kale waa cilmi baadhaha machadka barwaaqa sooranka,Waxaa suaal laga waydiiyay maadaama somaliland ka mid tahay geeska africa dawlad Madax banaan shuruudkastana buuxisay maxay Dawladda UK u ictiraafi wayday?

Martin plaut “Markaynu ka hadlayno ictiraafka somaliland,Dhab ahaan hal shuruud ah uunbaa naga xiga, kaas oo ah,Hadii Dal Afrikan ahi aqoonsado Somaliland,ana waxaan kuu sheegi doonaa markay BRITIAN aqoonsan doonto Somaliland” Martin Plaut lataliyihii hore ee Arimaha Dibadda UK.

Marry harber ayaa iyadana wax laga waydiiyay dawladda farmaajo iyo xaaladeeda?

Waxay ku jawaabtay “Dawladda farmaajo wali waa go-doon nidaamkii 4.5 ayay dhex dabaalaynaysaa nidaamkii qabiilka ayaa sii fidaysa Farmaajo waa ambadday xagii siyaasada arimaha dibadda maadaama uu Safka la galay Qatar sidoo kale doorashadiina lacagtii qatar kusoo baxay waxaana meel wada maray Somaliland,Erateria,Ethopia.

Ahmedyasin sh cumar ahmed Furre

Advertisement

Ku Xayeysiiso