Khamri Dilay Shan Iyo Toban Ruux Dalka Iran


Shan iyo Toban ruux ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay cabeen Khamri lagu sameeyey dalka Iran gudihiisa .

Bayr Xuseen oo ah masuul ka titsan Wasaarada Caafimaadka Iran ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Isana in Kow iyo Toban ruux ku dhinteen Gobolka koonfurta ee Hurmzgab halka laba kalena ay ku dhinteen Gobolka Kharzan ee waqooyiga bari ee dalka laba kalena ku dhinteen Gobolka Albarz ee galbeedka Caasimada Tehran, ka dib markii ay cabeen khamri, ilaha caafimadka ayaa sheegay in da’da waxyeeladu soo gaadhay u dhaxayso 17 sanno jir ilaa 50 sanno jir.

Geesta kale taliyaha Bilayska Bandar Cabaas , Ismaaciil Mashayikh ayaa isna dhinaciisa wakaalada u sheegay in la qabtay nin iyo haweenaydiisa oo ka ganacsanayay kuwaas oo ku eedaysan in ay samyeen khamriga kuna ganacsanayeen sharci daro.

Iran ayaa waxa mamnuuc ka ah ka ganasiga khamriga waxaana la mariyaa sharciga kaas oo dhigaya jeedal iyo ganaax maaliyadeed.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso