Xabsiga Markii Aan Ka Soo Baxay Bishii July Ayaan Balan Qaaday In ummadda Soomaaliyeed meel kasta Oo Ay joogto In Aan Soo Salaami Doono-Cabdikariim Qalbi Dhagax.

(ToggahererNew)-Xabsiga Markii Aan Ka Soo Baxay Bishii July Ayaan Balan Qaaday In ummadda Soomaaliyeed meel kasta Oo Ay joogto In Aan Soo Salaami Doono-Cabdikariim Qalbi Dhagax.

cabdirakiim Qalbi Dhagax ayaa maanta caasimada somaliland soo dhaweyn xoogan loogu sameeyey ,iyadoo soo dhaweyntiisa ay si wado jir ah uga soo qaybgaleen mauuliyiin kala duwan ,xildhibaano ,aqoon yahano,salaadiin iyo marti sharaf kaleba.

Cabdi kariim Muuse qalbi dhagax ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:

xabsiga markii aan ka soo baxay bishii julay ayaan balan qaaday in aan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in aan soo salaami doono oo aan umahad celin doono meeha aan ka bilaabi doonana ay noqon doonto somaliland caasimadeeda hargeysa aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa ilaaha inoo suurtogaliyey waxaan mahad aan la soo koobi karin u celinayaa shacbiga reer somaliland ee aan la soo koobi karin ,xukuumada xisbiyada mucaaridka ah ,culimo u diinka ,maayirka ,dhalinyarada ,bahda warbaahinta ,iyadoo aan loo kala hadhin sida ay noo soo dhaweeyeen ,iyagoointaasiba shacbigii  wakiil ka ah sababta ay noo soo dhaweeyeen waxay tahay ee ay qroxda u taagnaayeen ilaa aanu ka soo galaynay waxay tahay tabaabushe iyo u diyaargarow si na loo soo dhaweeyo ee sharaf ,karaabe iyo walaaltinimo leh aad ayaan ugu mahadcelinayaa oo walaalayaal daqiiqado kuma soo koobi karno in aanu idin nidhaahno waad mahadsan tihiin waxaynu isku leenahay abaal waqti dheer shaqayn doona hiil iyo hooba waxaan xiligan alaan idiinka sidaa jabhada  xoreynta ogaadeeniya gudoomiyaheeda Admiral maxamed cumar cismaan iyo xoghayaha guud ee jabhada cabdiraxmaan sh mahdi maadey oo iyaguna u diyaaran maalmaha soo socda in ay soo booqdaan hargeysa waxaana u qorheysan in ummadda soomaaliyeed ee qadiyadan taageersan in ay u mahadceliyaan).

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso