“Qof Dumar Ah Oo Somaliland U Dhalatay Oo Xamar Ka Timid Baa Ii Warranatayoo Waxay Igu Tidhi [Xamar] Kala Qaybsani Ma Taallo, Laakiin….” Maxamed Nuur Carraale (Duur)

“Geeska Afrika Dhibtii Oo Dhan Waa Laga Xaliyey Laakiin Waxaa Jirta Hal Dhibaato, Taasina 70% Waxay Ka Taallaa Somaliland”

“Qof dumar ah oo xamar ka timid oo somaliland u dhalatay ayaa xalay ii waranatay waxay igu tidhi [Xamar] Kala qaybsani ma taallo’e qof waliba wuu ordayaa, Laakiin….” Maxamed Nuur Carraale (Duur)

Hargeysa (Hubaal ) – Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo hadda ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay in Qabyaaladda  Soomaalidu ku dhaqanto inteeda ugu badan ka jirto Somaliland. Mr. Duur oo shalay hadal ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Maaddaama oo Isbeddelo siyaasadeed oo wax lagaga qabano Xaaladda Gobolka Geeska Afrika ay socdaan, loo baahan yahay in Qabyaaladdana wax laga qabto. Siyaasi Duur oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada Geeska Afrika ka socda ayaa waxa uu yidhhi “Aduunyada waxa maanta ka socda oo dhami waa cibro iyo casharo, Geeska Afrika  isbadalo badan ayaa ka dhacay, wixii colaad taalayna waa la soo afjaray, itoobiya wixii kala qaybsanaa ee qoomiyado iyo diimo, boqolkaas milyan dhibtii taalay waa la soo afjaray, Eritrea tii u dhaxaysay waa la soo afjaray, colaadii Eritrea iyo Djibouti u dhaxaysayna waa socotaa oo waa la wadaa.” Siyaasi Duur oo hadalkiisi sii wata ayaa soo bandhigay hal dhibaato oo aan wali laga xalin Geeska Afrika  waxaanu yidhi “Geeska Afrika hal colaad ayaa taala oo aan la soo afjarin taas oo gurmad iyo cid u baahan waa qabyaalada soomaalida, dhibtii kale oo dhan waa la xaliyey, waxa kaliya  ee aan la xalin waa qaybsanida iyo qabyaalada macno darada ku salaysan ee soomaalida, qabyaalada soomaalidana markii aan eegay 70% waxay taalaa soomaliland, bulshada kalana 30% ayey dhex taalaa”

Siyaasi Duur ayaa sidoo kale ka hadlay heerka ay taagan kala qaybsanaanta bulshada somaliland waxaanu yidhi “Qof dumar ah oo xamar ka timid oo somaliland u dhalatay ayaa xalay iiga waramaysay waxay tidhi halkaas kala qaybsani maba taalee qof waliba wuu iska ordayaa, waxaan ogahay somaliland qaybsanida ugu weyn ee qabyaalada jirta ah ayaa taala, aad ayey nasiib daro weyn u tahay, waxaynu u baahanahay cidii inala xalin lahayd dhibaatadaas ee inagala shaqayn lahayd.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso