Dableey Weerartay Xarunta Shirkadda Saliidda Liibiya…

(Togaherernews0-Dableey Weerartay Xarunta Shirkadda Saliidda Liibiya……

Kooxa hubeysan ayaa weerar ku qaaday xaruunta dhexe ee shirkadda saliidda Libiya (NOC) oo ku taallo caasimadda Tripoli.

Ciidamada ammaanka ee goobtaasi ku sugnaa ayaa dableeyda weerarka ku soo qaadday dhismaha shirkadda saliidda Liibiya iska caabbiyey, dad goob joog ka ahaa dhacdadaasina waxay wakaaladda Reuters ay u sheegeen iney qaraxyo iyo rasaas xooggan oo dhaceyso ay maqlayeen.

Toddobaadki hore qaramada midoobay waxay shaacisay iney milishiyaadka magaalada Tripoli ku dagaallamayey heshiis xabbad joojin ay ku gaareen caasimadda Tripoli.

Dowladda Libiya oo garabsaneyso qaramada midoobay awooddeeda waxay ku kooban tahay caasimadda Tripoli oo keli ah iyada oo magaalada lafteeda ay kooxo dowladda ka soo horjeedo kula dagaallameen.

Dalka intiisa kalana wuxuu gacanta ugu jiraa milishiyaad hubeysan.

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda NOC ka shaqeeya oo Reuters u warramay ayaa wuxuu sheegay dagaalka marka uu billaawday inuu daaqadda uu ka booday uuna arkayey shan dableey ah oo rasaas ku soo rideysa xaruubta iyo dad badan oo xabbada ay la dhaceen oo dhulka yaallay.

Wuxuuna intaa ku daray madaxa shirkadda Mustafa Sanallah, inuu si nabad ah uu dhismaha uga baxay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa hadda ku howlan dadki ay weerarkaasi waxyeellada ka soo gaartay oo dhisamaha ku sugan sidi ay adeeg gurmad oo degdeg ah u siin lahaayeen

Ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay iney weerarkaasi ka dambeysay.

Shirkadda maamusha saliidda dalka Liibiya oo ah shirkad dhaqaalaha dalka qayb weyn ku leh tani iyo 2011-kii marka xilka laga tuuray hoggaamiyihi hore Muammar Qaddaafi carqalada kama eysan bxin.

Horraantii bishan, waxaa caasimadda Tripoli uu dagaal ku dhex maray miliishiyaad hubeysan oo iska soo horjeeda.

Dagaallada ugu dambeeyey ee ka dhacay Tripolina waxay sababeen iney kumannaan qof oo magaalada Tripoli degganaa ay guriyahooda ka qaxaan, qaarna ay ku go’doomeen guriyahooda oo ay soo bixi waayeen.

Bishi May weerar lagu qaaday xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka oo ay dad badan ku dhinteen waxaa sheegtay ururka isku magacaabay Dowladda Islaamiga ee IS

Advertisement

Ku Xayeysiiso