“Xorriyatul qawlkii waxaa ka faa’iiday uun dadkii shacabka dhibaateeyay oo halkay yaxyax guryaha la fadhiyi lahaayeen kolba…….”. Madaxweynaha Kilika Shanaad

Madaxweynaha Somaalida Itoobiya Md Mustafe Cagjar ayaa sheegay in isbedelada xoriyatal Qawlka ee ka dhacay Deegaanka ay ka faa’idaysteen Dad uu ugu yeedhay in ay dhibaateeyeen shacabka kuwaas oo ah Nidaamkii ka horeeyey isaga.

Qoraal uu Faafiyey Madaxweyne Cagjar ayaa u dhignaa Sidatan:-

Xorriyatul qawlkii waxaaba ka faa’iiday uun dadkii shacabka dhibaateeyay oo halkay yaxyax guryaha la fadhiyi lahaayeen kolba sheeko alifaya. Waxaan xafiis walba ugu nimid ee ceeb iyo fowdo ah markaan soo bandhigno ayaa la arki doonaa wixii meesha ka jiray inuu dawlad ahaa iyo in kale.

Tuugtii shalay dadka laynaysay inay cabsi la’aan ku seexdaan oo waliba sheekooyin huuhaa ah si xor ah u alifaan waa ilaahay mahadii.

Insha allah bal annana waxaanu aragnay ee af kale qaadka ah ayaan soo bandhigi doonnaa…

Advertisement

Ku Xayeysiiso