Dawladda Soomaaliya ayaa heshiisiineysa Djibouti iyo Eritrea, balse dawlad goboleedyadeedii shanta ahaa heshiis lama aha Warkaas soo uma ekaanayo waan socon weynaye aan orodno! Xildhibaan Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Dawlada Somalia si weyna u dhaliila siyaasada Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay heshiiska ay xukuumada Farmaajo ka dhex wafo Eretria iyo Jibuuti uguna maahmaahay maahmaahda Soomaaliyeed ee tiisaba daryeela tu kale ku dara.

Qoraalka Xildhibaan Fiqi ayaa u dhignaa Sidatan :-

Dawladda Soomaaliya ayaa heshiisiineysa Djibouti iyo Eritrea, balse dawlad goboleedyadeedii shanta ahaa heshiis lama aha, mana rabto in ay la heshiiso. Warkaas soo uma ekaanayo waan socon weynaye aan orodno!

Madaxweynihii dalka ayaa Eritrea oo aan ka weyneyn Jubbaland muhimad gaar ah siiyey asagoo u duuley halkaas, wuxuu marxabeeyey Afwerki iyo Abiy Axmed laakin madaxdii dawlad goboleedyada oo Kismaayo fadhiya isla markaana maamulkiisa wax ka tabanaysa wax dadaal ah oo uu ku bixinayo qancintooda ma muuqato!

Ninkii tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara!

Advertisement

Ku Xayeysiiso