SOMALILAND JIDKEE AYAY CAGTA SAARTAY: GUUL IYO GUUL DARRO Ahmed Diriye

SOMALILAND JIDKEE AYAY CAGTA SAARTAY: GUUL IYO GUUL DARRO

Ahmed Diriye

Salaan ka dib

Haddii madaxda iyo mutacalimiintu ay sidan siaga fadhiyaan oo aanay bulshadda saamayn ku yeelan, Somalialnd waxay degtay gurigii uu faylasuufkii Dhalin Ileeye yidhi “WALLEE HADDAAN KARINTAA LAGA GUURIN; INAY GORAYO HEERYAYSANI KA SOO DEGI”.

 Waayaddii SNM la aasaay (1981), oo dhigan jiray Dusgiga Sare ee Farsamadda Gacanta ee Lafoole ayaa maalin walba aan maqli jirey warar wada dhiilo xambaarsan oo ay ka mid ahaayeen, 

 ·         Waxaa talaabay oo Ciidankii Maxamed Cali (Magacii hore ee SNM) u galay kornayl hebel

·         Hebel baa la xidhay ama jagaddii laga casilay,

·         Reer hebel (Beeshii Madaxweyanha) waxay leedahay 12 janan; halkan reer hebel (Taageerayaashii SNM) ay leedahay 2 janan oo keliya

·         Wasaradaha muhiimka ah iyo saxaafadda (Radio and newspaper) beesha Madaxeynaha

·         Shinaha iyo Ruushka ayaa inagu caawiayay 3000 deeq waxabarasho, dhamaantood waxaa lagu diray caruur ka soo jeedaa beesha Madaxeynaha

 Hase ahaatee, marka aanu wararkaas u sheegno inamadda aanu isku fasalka nahay ee ka soo jeeda gobollada Koonfurta, iyo xataa goboladda Awdal iyo Sool ee Somaliland way nala yaabi jireen, oo waxay odhan jireen annagu maanaan maqal, mana aha wax jira ee been abuur la doonayo in Soomaaliya khalkhal lagu geliyo.

 Dawladdii Madaxweyne Siyaad Barrena, way yasi jirtey oo waxay odhan jirtey QUDHMISTU (SNM) waa AFAR INJIR LEH, oo KHAA’INU WADAN AH.

 Da’dayda oo yarayd (18 jir), iyo xaalad noocaas ah oo aanay Soomaalidu hore u arag awgeed ayaa igu adkayn jirtay inaan kala ogaado RUNTA iyo BEENTA; waase la og yahay halkii ay inala martay.

 Waxaa NASIIB DARRO AH  inaynu 40 gu’ ka dib weli dabadda hayno wararkii arxan darraada ahaa ee ay SNM dadaka ku kicin jirtey, waayo maantana waxaan maqlaa

·         Hebel baa CAARRE u galayaabay (SNM u galay),

·         Beel heblaayo waxay ciidanka qaranka haystaa 47 jago; halka isku darka beelaha kale oo dhami leedahay  ay ahayan 45 jago

·         Wasaradaha muhiimka ah iyo saxaafadda  beesha Madaxeynaha ayaa wada haysata\\

·         Turkiga iyo Qadar ayaa inagu caawiayay 3000 deeq waxabarasho, dhamaantood waxaa lagu diray caruur ka soo jeedaa beesha Madaxweynaha

 

Wararkan dhiiladda ah waxaa aad loogu qaadaa dhigan qaybo magaaladda Hargeysa ka mdia h, halka aan qaybo kale oo magalada ka mid ah aanay gaadhinba (Waaba siddii 1981 oo cal iyo bay la’)

Arrintaas waxaa inoogu wacan aqoonyahankii (Muataclin) oo aan mujtamaca wax saamayn ah ku lahayn. Qofkii wax bartay ILAAHAY DOORI wuxuu dhegaysanayaa warar uu isku soo duba riday qof shaqaddiisu sidaas tahay, waayo SNM baa ku macaashtay, reer hebel baa la dabar goynayaa; oo marka ay ugu yaraadaan xubnaheedaa waxay la baaxneen lagaca MUJAAHID. Markaa waxaa soo jeedinayaa in mutacalimiinta iyo madaxda magacyada laga bedelo oo loo bixiyo

·         1. Dr.  Nacas

·         2. Engineer Doqon

·         3. Professor Hoori.

·         4. Gudoomiye Habeen

·         5. Wasiir Haldhac

·         6. Agaasime Nasaq

 

 

 

Thanks

Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso