Qiimaha qalinka iyo qarnigan aan joogno (W/Q :Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Qiimaha qalinka iyo qarnigan aan joogno (W/Q :Mukhtaar Cabdi Cilmi)
Qiimaha qalinka waxaana ku tusaysa sida Allah ugu dhaartay) Allaah wuxu yidhi: “Qalinkaan ku dhaartay iyo waxa ay qorayeen.” Aayaddan waxaynu kala baxaynaa qiimaha uu leeyahay qalinku waayo Ilaahay baa ku dhaartay, Ilaahayna wuxu ku dhaartaa shay qiimo iyo sharaf leh.
Qalinku waxa weeye wixii u horreeyay ee Ilaahay abuuray, taasina waxay inoo tilmaamaysaa ahmiyadiisa, sida ku cad xadisiiskii nabigu SCW inoo sheegay oo macnihiisu ahaa “Wixii u horreeyay ee Ilaahay abuuray wuxu ahaa qalinka.” Sidoo kale qalinka qiimihiisa waxaa ina tusaya Nebi Muxamad scw gaaladii maxbuuska u ahayd ee uu ka soo qabtay dagaalkii Badar, kuwii madax furashada iska bixin kari waayey, wuxu faray inay ubadkaa ay baraan qoraalka, halkaas waxaynu kala baxaynaa inay gashay booskii lacagta madax furashada, sidoo kale Allah wuxuu qalinka wuxuu fududeyey in la qoro dhamaan diinteena suuban ee islaamka kitaabka Alle iyo Axaadisikii nabigeena subanaa SCW.
Qiimaha qalinka oo loo aqoonsaday addunyada inuuu yahay kabadalay adunyadii ku jirtay mugdiga una soo saaray nuurkan aan manta aan arkayno, , isla mar ahaanta waxaaa uu qalinku fududeyey in la qoro dhamaan cilmiyada kala duwan ee maanta addunyada laga isticmaalo laguna gaadhay horumarka gees walba leh, tusaalena ay u tahay in dayaxa iyo meeryasha qayb ka mida manta la gadhay lagana soo waramay xaqiiqooyin ku duugnaa.
Qiimaha qalinka markii ay sharaxayeen abwaanadii Somaliyeed waxay ku cabireen wedho , gabayo iyo maansooyin badan oo ilaa manta dhaxal gala ah kuwaas hadaan ka soo qadano:
 Abwaan Somaliyeed : “Waxii Qoran baa Qaruumo haree, Maxuu Hadal Qiimo Leeyahay
 Abwaan Mohamed I Warsame (Hadraawi) maansadii srta nolosha 1986
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
 Abwaan Maxamed Xashi Dhamac( Gaarriye ‘AHUN)
Nin kastaa ha tookhee,
Far baa lagu tanaadaa.
Haddii qalinka loo tudho
Wax-qoraalka laga tago,
Lama taabbaggeli karo.
Dalkeena Somaliland tan iyo markii aan la soo noqonay xoriyadenii aan kula biirnay Somalia 1991, waxaa kor u kacay dhanka waxbarashada iyo qoraalka oo gaadhay halkii ugu saraysay abid,inkastoo anay jirin xarumo badan oo ah goobaha wax lagu akhriyo laguna qore ee labareeriyada, hadana waxaan shaki ku jirin in kor u kacday guud ahaan waxbarashada iyo dhalinyarada qalinka u qaatay inay wax qoraan dalka Somaliland.
Waxaa tusaale cad waxaa kugu filan Sida ay sandba sanadka ka dambaysa ay u sii kordhayso qoraayada iyo ardayda ka baxay dugsiyada dhexe, sare iyo jamacadaha dalka, bal aan soo qadano warbixintii wasaradda waxbarashada ee ardayda u fadhisanaya imtaxaanla shahaadiga ee sanad dugsiyedka 2017-2018 oo tiradoodu ahayd 28000 kun arday kuwaas oo ukala dhigna 18,000 kun arday oo dugsiyada dhexe ah iyo 10,000 kun arday oo dugsiyada sare ah, waxaa iyana garab socota tiro badan oo ka qalin jabiya guud ahaan Jamacadaha dalka oo sanad waliba ay korodho tirade ardayda ka qalin jabinaysa, tusaale waxaa inagaga filan sanadkan 2018 waxaa ka qalin jabiyey labada jamacadood ee dalka ugu way Hargeisa University oo ay ka qalin jabiyeen 947 arday, halka jamacada Amoud University ay ka qalin jabiyeen 800 arday waxay ku tusaysaa heerka la majeerto ee ay marayso waxbarashada somaliland taa waxaaa barar socota bandhigyo badan qoraalka buugta oo ugu dambeyey bandhigii buugagta hargaysa oo la qabtay July 2018, dhalinyaro boqolaal kor u dhafaya ay ku soo bandhigeen buug badan oo ka turjumaya hibadooda qoraalka iyo qalinka
Ugu dambayntii waxaan ku talin lahaa in la adhiso labareeriyo badan oo kor loogu qaado akhrinta noocyada kala duwan ee cilmiga, lana dhiiri galiyo bahda ku hawlan kor u qaadisata qalinka iyo qiimihisa.

. W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
mukhtarian.net@gmail.com
00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso