MAANSADA XAGAL-DAAC: W/T. SCC.Kalshaale 2018

MAANSADA XAGAL-DAAC: W/T. SCC.Kalshaale 2018

“Waa Duni Hoggaankii

Shacbigoo dhan Doorteen

jifadiisa daaqshoo

Deeqaha la keeniyo

Xilka Dawladnimada

Digreetadu Xariiqaba

Daalac uga qorsheeyo

Dadkii kale saluugeen….”

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), Suxufi,Qoraa, Hal-abuur ah/ xuquuqda sawirka Bulshotv

Maansada Xagal-daac waxay soo baxday 18/07/2018, waxaanay ka waramaysaa waayaha adduunyada iyo wadciga lagu jiro, iyadoo taabanaysaa dhowr arrimood oo kala duwan. Sida; isla-waaga nabad iyo nolol, Nicmo iyo tacab iyo Dawladnimo iyo cadaalad.

Waxa ay iftiiminaysaa mushkiladahaha ka aloosan geeska afrika iyo guud ahaan caalamka iyo sidaan loogu haynin Garsoor iyo guddoon xalkooda raadiya.

Ugu dambeyn waxay tilmaamaysaa damaca iyo dareennada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo gabagabada uu dul-istaagay Abwaanku waxyaabaha ka taagan gudaha Somaliland ee dhibaatada ku ah Bulshada iyo Qarankaba.

Maansadan Kama madhna duur-xul siyaasaddeed oo uu diirada ku saarayo  tabashooyinka laga tirsanayo  iyo toobiyaha maamulka dawliga ahi ku socdo.

Waxaanay maansadu ku bilaabantay sidan:

Damiirka oo wax diidiyo

Isha Daymadeediyo

Wacaal uurka deeqdiyo

Dur sadheeya  diirkiyo

Dareen baa dibnaha fura

Hadaan Gabayga dayn la’aa.

Waxa la iigu daw galay

Danta guud jirkeedee

Haddii aan diraac hore

Dermo geedaha u dhigay

Maanta durahan jiilaal

Xays hadduu daroornimo

Doogsin-dhabad waqiisee

Dadweynuhu ma geedaa?

Xisbiyadu ma darrataa?

Ma wax laysku doorshaa?

 

Su’aalahaa hal ii deddan

Dawaarkiyo afsaarkii,

Haddaan Deelka kaga rogay

Hoos intaanan sii degin

Midh yaroon ku sii daray

Aararta dulucda leh.

xanbaa durugtay oo tidhi;

Sahankii dorraad yimi

Doobkii xoogga loo biday

Dalan-dalinta  geeddiga

Durba waa la tebayaaye

Degmadii Halkuu furay?

Waa Doobir waayuhu

Xagal-daacna soo noqoy.e.

 

Sheekadu da’weynoo

La isaga dambeeyee

Dulucbay wax sheegtee

Diir-wadaagta Soomaal

Afrikaanka deriska ah

Iyo Du’walka  guudkii

Diiraddaan ku daalacay

Maxaa dabin la’ ii xidhay

La’ ii degay dul iyo hoos

Nin i duudsiyaayooy

Dani naga dhaxaysaa

Muxuu qoday dalluun dheer.

Doonayaa dharaar qudha

Inaan dalaq idhaahdoo

Dusha igaga soo dego

Dadkayguna dareen li’i

Durbaan ugu garaacaan.

 

Maxay doqoni mooddaa

Inaan ahay Dammiin madhan

Muxuu Daallin ii dhigay

Sakal aan ku daydaymo

Derbi adag muxuu dhigay

Dariiqaan ku taagnahay

Muxuu iiga dhigay Dayr

Dacwaddayda lagu xidho

Mid aan doodi noo ool.

 

Muxuu Shabaq Dalooliyo

Illa daydayaa dallaw

Sunta layga soo diro,

Dawladnimo muxuu is-biday

Dal qudhaata inaan nahay

Muxuu dunida dooc dhigay

Taydana dulleeyaa

Doc-wareemayaa abid?

Dulmi Aniga oo qaba

Dibin-daabyo tii hore

Ka dubaalad dheeroo

Darmaantayda lagu xidho

Muxuu iigu darayaa?

Uga sii dar weeyoo

Yaanu kaa dul guurine

Muxuu ii dalbaday qaar

Abtirsiin dadkaygoo

Sula iga dan-qaatoo

Anna dayro iga qaba.

Laba Deris oo wada-yaal

Dareen kama fogaadee

Mid yar duday muxuu dabay

Durbaan iyo u tumay Hees.

Muxuu Malab Dusha u sudhay

Dacar lagu  digiigimay

Weel lagu Dabooloo

Muudkeedu daran yahay

Duumada Ladhkeedana

Dhibco lagaga soo daray

Oo Qofkii Dacaamshaa

Cudurrada wax dila iyo

Daacuun la soo dhaco.

 

Dar kaloo dhexdeenaa

Ama jooga daantaa

Dabka lagu il doogsado

Muxuu Sixir darka u wadhay?

 

Da’ todoba iyo labaatana

Dabar igu xidhnaabaa

Ii Dabbaalay Taagtaye

Damalkaynu joogniyo

Degelkiyo Hareeruhu

Waa duunyo Shiiqdoo

Ruux kastaa Dantii gaar

Dedaal ugu Xabkaystoo

Tii guud la daayacay.

Waa duni is-dubatoo

Dilka, dhaca, ku digashada

Lagu gaadho Derejoo

Wax ka Doodayaa jirin

Durqumada, is duudsiga

Dil-dilaaca  guud iyo

Daakhil Caabuqa u galay.

 

Waa duni dagaal iyo

Diririyo Col mooyee

Cid danaynaysaa jirin

Nabad iyo Daryeel siman.

 

Waa duni Saboolkii

Loo diiday noloshoo

Dadka kii wax haystaa

Dulmigaba ka koow-yoo

Afarteeda Daamood

Ribo lagu Ducaystoo

Xalaal laga Dawaafoo

Imtixaan Dul-yaallaa.

 

Waa duni Dacwaayiya

Anna Taydu Dihintoo

Sannadahan Dellegentoo

Kii Shalayto ila Dumay,e

Iga reebay doorkeey

Qayrkayna ii dilay

Wuxuu Dakharro igu dhigay

Ila dhacay Dabaabado

Inta Dumar goblamay iyo

Agoon degelka kaga tegay

Dadba wada ogsoon yahay

Godkuu Duhurka igu riday

Daayin iiga hiishee

Walloow doogti aan qabo

Dib u helay Xornimadii

Isna Diiftii wali qaba

Isagoon I daw marin

Maanta xal u  Dabiibiyo

Markii Daawo lagu duray

Ee uu soo Daqaaqamay

Daandaansi igu wado.

 

Waa Duni Dabeyshiyo

Duufaanta dhacaysiyo

Dillaalyada u nugul oo

Dar-xumadu ku badan tahay.

 

Waa Duni dushaydiyo

Dayaxa iyo Daruuraha

Hubka lagu dagaallamo

La isugu diyaarsaday

Misna Daafta waxa yaal

Dugaag looga wada tegay.

 

Waa Duni Qabiil iyo

Qaybsanaanta Diimeed

Iblays kaga danaystoo

Isku diro Quruumaha.

 

Waa Duni Dastuuriyo

Sharci kala Dabbaalaa

Yahay Dan iyo Xeeshii

Dadkan tiisa wada raba

Oo ay Doodda Falastiin

Tahay Xaajo daayima

Dacwad aan Garsoor helin

Iyo Daab-cad kugu mudan

Islaamnimo daraaddeed

Carabtana dulaysatay.

 

Waa Duni Asaageey

Daalac uu Dabreystoo

Hoos ii dayaayoo

Anna aan dayeysnahay

Markii ay Dadkaygii

Doc kasba ka gaabsheen

Dedaal inay ku gaadhaan

Halkuu degay Filkoodii.

 

Waa Duni degaysoo

Dabayaaqo joogtoo

Damcaddii ka dhimatoo

Duugoowday gebigeed.

Waa Duni Dillaalkiyo

Dadka kii dhacaa yahay

Dan-jiraha hormuudkaa.

 

Waa Duni Dembiilaha

Lagu Derejo siiyoo

Daacadnimo diciif tahay.

Waa Duni duruufuhu

Isu daba marteeyaan

Oo Diihaalka baahida.

Dawaradu u tahay quud.

 

Waa Duni Dugaalkii

Dadka qaar dhammaysteen

Anna ay iga dedanyiin

Dahabkiyo Shidaalkaan

Dakhli uga sameyn la’a

Dan yartiyo saboolkeen

Dibeddaha u diri la’a.

 

Waa Duni Dariiq sugan

Dusdus looga leexdoo

Midba diillin loo maro.

Waa Duni Dugaagiyo

Dadku badi u foofaan

Geedaha Dullaaftee

Dhiga Doorinaayiyo

Dalag aan fayoobayn.

 

Waa Duni Hoggaankii

Shacbigoo dhan Doorteen

jifadiisa daaqshoo

Deeqaha la keeniyo

Xilka Dawladnimada

Digreetadu Xariiqaba

Advertisement

Ku Xayeysiiso