Gabay cusub..Caarre/Muse hussein Badmah

Maanso…Caarre/Muse

Caqligaagan foorara…
Cabashada taagan  
Cashadii la arkaba……
Calaacal lagu hadaaqaayo
Ciladaha galay curuuqaha…
Cadhadan biirtay
Calooshan bugta-iyo….
Nabaradan caabuqay
Ceeb-bay ku ahayd……
Carradaan dego e’
Ma cimiladaa siday…….
Talada ceer yaantay

Afartaa cirka intoon ka dayay…
cawda maw dhigay
Cuqaal iyo salaadiin…
culumo miisaan leh
Cadli mawgu sooreen…
bulshada cabashadeedii
Afar kalena ceeryaan-iyo…
curashada dayreed dheh.

Ciiddaada hooyo-iyo…
calankiyo dadkaaba
Cadaw looma loogo…
inkastood cadhootee
Talo kaa cakirantaa…
cuqdad kugu abuurtee
Cawo daranta fiidnimo…
keligaa carawdee
Cidhbo goynta qarankiyo…
ma cashiiro layntaa
Cabashada xorayntii…
caku nooga dhegaysaa

Afartaa cirka intoon ka dayay…
cawda maw dhigay
Cuqaal iyo salaadiin…
culumo miisaan leh
Cadli mawgu sooreen…
bulshada cabashadeedii
Afar kalena ceeryaan…
curashada dayreed dheh.

Coofle daalay baa yidhi…
adoo caafimaad qaba
ciil kugu gadhoodhaa…
caruurtaaduu laayaa
Adoo caano-iyo nabad…
ku cawaysi-maaya
colaad looma yeedhee…
ha casharin balaayada
Cugushada masiibadu..
waa camalo shaydaane
Caloolyow haw dhiman…
curfi yaanu kula tegin.

Afartaa cirka intoon ka dayay…
cawda maw dhigay
Cuqaal iyo salaadiin…
culumo miisaan leh
Cadli maw gu sooreen…
bulshada cabashadeedii
Afar kalena ceeryaan-iyo…
curashada dayreed dheh.

Ceerigabo tan-iyo saylac…
Ciidaa ka badan cabashaduye
Cadaalad buu shacbku…
muusow kaa codsanayaaye
Mashaariicda cid gaara…
camanka loo buuxshay
Carrab maroora,cago leexsan…
cindigaaga yuu gelin
Cammiraada xilalkaa…
eexda loo cumaamaday
Cuyub haw celin taladee…
ceelka sinnaan halagu cabbo

Advertisement

Ku Xayeysiiso