Dharkii Dugsiga Abdifataah Mohamed

Dharkii Dugsiga

“Wuxuu Soo Gaadhey Xidhashada Dharkii Dugsiga”.

W/Q-Abdifataah M.Ahmed

 

 

Xidhashada Dharka Balcada loo Yaqaanno ee Dugsiyada lagu dhigto Ayaa Ardey badan Xiiso  u leh Wakhtiyada Sannad Dugsiyeedku dib u Furmo.Waalidiin baddan Ayaa Kharash iyo Lacagi kaga baxdaa Inkasta oo ay ku faraxsan yihiin Haddba Dharka Waxbarashada ee Ubbadkoodu qaato oo Muujinnaya Kaallinta Ay waxbarashada kaga Jiraan iyo Dugsiga ay Dhigtaan intaba.Waa Markii Labaad ee aan Qoraall ka Sameeyo Mawduuc noocani oo kale ah,Qeybtii Horre ee isla Maqaalkan oo ku Taariikheysneyd  Sannadii 2010-kii Ayaa  Ciwaankeedu ahaa “Dharkii Dugsiga”.

 

“Warbixin La xidhiidhey Saameynta uu Waxbarashada, Dugsiga iyo Guud ahaan Ardeyda Ku leeyahay qaadashada Direys isku Midd ahi, Ayaa iftiimisey Waxtar -Weyn hase -ahaate Dhinaca kallena lagu sheegay in Ardey baddani wakhtigan ka Niyadd-jabeen xidhashada Dharka dugsiga, iyaga oo ka Jeclaan lahaa in loo daayo Dharkooda kale si ay maalin kasta ugu Yimaaddaan hadba Lebbiska cajibaya ee ay la dhex Taggayaan Dhallinyarta ay isku Faca yihiin waxna wada Dhigtaan”.

 

Waxa aynnu Direys-ka u sameyney in la ogaaddo cidd kasta oo isku Fasall/Lodd ama sannado Mareysa,In uu Astaan gaar ah u Noqdo Xarrumaha Waxbarashada ee kala duwan, iyo aynnu ku Sinno Ardeyda ka kala imaneysa Guryaha kala nolosha duwan oo ay qaarkood Awoodd u leeyihiin in ay soo Xidhaan Dharka ugu qaallisan oo Niyadd -jab ku riddi kara kuwo kale oo badan.

 

Shaadhka cadd iyo Surwaalka Madoowi waa Dhar ku xusan Taariikhda Maryaha la gashaddo,Mar waa Qurrux iyo Xarrago oo Suudhka Ayey raacaan,Marna waa Heybadii waxbarashada ee dugsiyada intooda badan,Qof aan laheyn ama soo xidhan Shaadhcadd iyo Surwaal madow oo wax soo bartey Ayaa iska yar.Shaadh cad iyo Surwaal Madow Xittaa shaqadda Ayey lebbis iyo qurux u noqdeen oo meelo badan sida Hudheellada Ayaa shaqaallahoodu xidhan yihiin.Waa Dharkii Nolosha ugu Maggaca-weynaa Marka laga taggo Lebbiska suudhka oo ay xittaa iyagu qeyb ka yihiin.

 

Haddii beryaha qaar aannu kaa soo hor- bixi Jirin qof xidhan Dhar waxbarasho,Maanta Guri kasta,Sekedd kasta iyo waddo kasta waxa laga qaaddayaa,Ardey iyo barbaar qurruxsan oo loogu soo lebbisey Dharkii Astaanta dugsigooda iyo Fasalka ay Marayaan intaba.Waa wadda Balcad,Waa wadda bas,waa wadda Ardey wax baraneysa  Kadib furitaankii .Sannad Dugsiyeedka Cussub.

 

Markii Dugsiyadii hoose/dhexe/Sarre ay bateen,Markii barbaartii soo kaceysey Ay badatey,Marka inta wax-baraneysaa ay tiro xooggan noqotey waxa dhanka kale aad u soo baxey  Noocyo Balcada  la qaaddanaayo ama la xidho ah.Midab kasta Ayaa la xidhey,Nooc kasta Ayaa direys laga Dhigtey,Madow,Caddaan,Akhtar,Huruudda,Buluuggaiwm.Madarasadd QuranKasta Ayaa sameysatey Astaan dhar oo u gaar ah.Midab Ayaa tiro beelay,Waxaase Weli si weyn ugu Jira ugana Dhex-Muuqdda Xidhashada Shaadh cadd iyo Surwaal Maddow ama Middab madow iyo Midab Caddaan ah Dhammaantood,Balcad Waxbarasho oo Haweenka iyo Hablaha ah iyo Midd inamada iyo Ragga ah Ayaanna la kala sameeyey.

 

Ugu Danbeyntii Qoraallka Maqaalkani Ayaa isna Soo baxey 30/8/2013,Wuxuuna Mar Labaad oo Tafa-Tir lagu sameeyey u soo Noqdey in lagu Garab gallo Currashada iyo Furritaanka Sannad waxbarash Cussub oo la gudo galay.Arragtida Qoraalkanina waxa ay aheyd Midd igu Dhallatey 2013 Anniga oo Suuqa meel  ii Dhow ku arkey Hooyo Wiilkeedii yaraa u iibineysa Dharkii Direyska dugsiga, Isla markaasina Dul-taagneyd Ganacsade dharka Dawaarka oo Diyaar ah iibinaayey,Waxaan sii Arkaayey iyada oo ku qiyaaseysa Balcadii midabada kala duwan laheyd qaarkood,Inkasta oo uu meel hoose waxbarashada kaga jiro haddana wuxu ku faraxsan yahay in uu xidhan yahay Shaadh Cadd oo ah midd ilaa Heerka Shaqo caalami ah uu u  xidhan doono.

 

Ujeeddada Qoraallkani :Balcada,Xidhashada Dharka Dugsiga,Astaanta Midabka Waxbbarasho,Ardeyda Dhar-xidhashada waxbarashada soo gaadhey.

 

Qeybtii ugu Horreysey ee Maqaalkani Waxaad Dhawaan kala socon doontaaJidkaaqoonta.wordpress.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso