Masuuliyiinta Cusub Ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Somaliland Ayaa Xilkii Kala Wareegtay Masuuliyiintii Hore Ee Komishankaasi

(Toggaherernews)-Masuuliyiinta Cusub Ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Ayaa Xilkii Kala Wareegtay Masuuliyiintii Hore Ee Komishankaasi…

Xafladaasi xilwareejinta oo ay xilkii kula wareegayeen guddii cusbeyd ee madaxweynaha qaranka somaliland u soo magacaabay guddida komishanka xuquuqul insaanka somaliland ayaa maanta lagu qabtay caasimada somaliland waxaana xfladaasi ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Baarlamaanka ka socday wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ,gudoomiyaha hay-adda barakacayaasha ,bahda cadaalada iyo garsoorka iyo masuuliyiin ka socday hay-adaha caalamiga ah oo ay wado shaqeyn leeyihin komishankaasi.

Gudoomiyihii hore ee komishanka xuquuqul insaanka farxiya xuseen jaahuur ayaa faahfaahin ka bixisay waxyaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilkaasi haysay waxaanay tidhi:

(waxaanu la wareegnay xafiis labo qol ahaa oo bilaa musqul ah waxaanan idhi maalintii aan shaqada bilaabay dee uma shaqo tagaayo xafiis bilaa musqul ah haddii aanaan haynin meel aanu ku weysaysano maxaanu ku shaqeynaa maanta komishanku wuxuu ku jiraa sagaal iyo toban qol iyo saddex iyo toban musqulood xafiis ka koobn wuxuu ku jiraa komishanku guri labo dabaq ah oo aad u qurux badan qalabka xafiiska ee aan ugu imid labo computer hal photo copy waanay fadhiyaan shaqaalahaan ugu imid iyo hal printer ayaan ka fiiska ugu imid maantana waxaanu haysanaa xafiis qalabkiisii u dhan yahay haddii uunooc kasta yahay inta badana ay naga caawiyeen hay-adaha unta .

Geesta kalena maxamed baaruud oo ah Gudomiyaha cusub ee komishanka xuquuqul insaanka oo xafladaasi uu xilka kula wareegaayey ka hadlaayey ayaa yidhi:
(Waxan la yidhaahdaa xquul insaanku oo ilaahay ina siiyey horta ilaahay ayaa bixiya xuquuqul insaanka oo dadka siiyey bani aadamka ayaa isku deyey in ay inaga qaadaan laakiin ilaahay ayaa bixiyey bani aadamka oo dhannawuu u simay markaasi xuquuqul insaankuna waa caalami oo dadku way wado leeyihiin oo waaba caalami anigu wxaan ogahay in barigii aanu xidhneyn dadkii ugu badnaa ee noo dacwiyaayey ay ahaayeen dadkacaalamkaoo noo wado hadlay ooinmay aqoon oo isku shaqo maynaan ahayen hadana waxay ka dhiidhiyayeen dadka ku dhibateysan ee waliba dulmiga lagu dhibaateynaayo

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso