Shilalka Gaadiidka Dhib aan Xalkeeda La raadin! W/Q Rakad Maxamed Suldaan.

Shilalka Gaadiidka ayaa ka dhaca, guud ahaan dalka oo dhan, gobolkasta iyo degmo kasta, dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka ayaa maalinkasta sii kordhiya, waxaannay sababeen, dhimasho, dhaawac iyo Burbur maaliyadeedba.
Saddex Cisho  ka hor waxa dhacay shil Argagax Badan,  waxaanna ku dhintay Saddex Dhallinyaro ah cid tacsiyaddaysay iyo Cid ka hadashay ma jirto, taasi waxay muujinaysaa innaan dawladeennu dadkanba lexejeclo ka lahayn, waan ka xumahay waxaanan ku baaqayaa in Naxariista la badiyo, xalka la raadiyo, dadkanna loo gurmaddo marka uu shil gaadhi ku dhaco.
Khatarta gaadiidka ayaannay dawladdihii kala dambeeyay wali waxba ka qaban, xal iyo qorshe loo raadiyay ma jiraan, gaadiidka oo battay, Darawaliin aan tayo lahayn oo aan aqoon u lahayn shuruucda waddo marista ayaa  maali kasta soo baxa, taasi waa caqabadaha ugu waaweyn ee dhibkan sababay, goboladda soomaaliland lagama hir galin dhakhaatiir gaar u ah dadka wax ku noqda shilalka gaadiidka oo aqoon u leh dhibkaas, Hargeysi waa caasimaddii haddana ma laha Waadh kaliya gaar u ah Shilalka gaadiidka haddanna Dhakhtarka wayn cidda u badan ee la geeyaa waa dadka wax ku soo noqda shilalka Gaadiidka, Halka waddamadda kale ay leeyihiin dhakhtaro iyo shaqaale u gaara dhaawaca iyo la tacaalka shilalka gaadiidka.
 Dhibaatooyinka sababa shilalka gaadiidka waxa ka mida waddooyinkeenna oo aad u burbursan, aadna u dhuuban  marka dhinac laga eeganna weecashadda Godadka waddooyinka ayaa sababa shil gaadhi.
Marka laga hadlayo shilalka gaadhiga waxa markasta sababa Darawalka gaadhiga wadda ayaa khalad sammeeya khaladkaas oo uu gaadhi saxan ku mushkiladeeyo.
Shilalkan aad arkaysaan waxa ay ka kala dhaceen Hargeysa iyo Berbera dhib badanina kama dhicin marka laga reebo dhaawac.
Haddii dedaal badan, qorshe ficil watta , wacyi gallin badan,  qoraal badan la sammeeyo waxa suuro gal ah in wax badan Hoos u dhacaan, oo dadku fahmaan Sababaha shilalka iyo xalkoodaba, se wali ma hayo  waxaan se xog iyo xalka ka sugaynaa Dawladda hoggaanka innoo haysa,  saaxiibkay Rooble Mohamed iyo cidkasta oo Xalkeeda haysa.
Waxaan ku soo koobbayaa oo aan ku tallinayaa waa in la adkeeyo shuruucda waddo marista, shuruucda qaadashadda liisanka, dardar galinta shaqooyinka taraafikadda,  ku dhaqanka sharuucda waddo marista, dabagalka go’aamaddii hore ee fadhiidka noqday oo lagaga shaqaysiiyo , ciidamadda Taraafikadda oo la dhoobo goobaha contarooladda ama Istabaha, tuullooyinka iyo degmooyinkaba.
Rakad Mxd Sultan

Advertisement

Ku Xayeysiiso