BOROBOGAANDADA IYO QABYAALADDA ISHUWANI WAA AAFO INNA HAYSATA

Cumar Axmed Cali. Q/ 3aad.

Qormadani waxay daba socotaa laba qormo oo hore oo aan si kooban  ugaga hadlay dhibaatada ay bulshadeena badeen kooxaha qabyaaladda ku adeegtaa, iyo sida  wararka malo awaalka ahi u yihiin xaalad inagu taagan.

Qormadan maantuna waa tii seddexaad oo aan si guudmar ah ugaga hadli-doono haddii Alle idmo, QODOBADII 3aad oo ku saabsan  sida borobogaandaha iyo qabyaaladda is huwani  u naafeeyeen hankii iyo himiladii aynu la lahayn.
Ummad kastaaba  meesha ay ujeedo waxa lagu qiimeeyaa sida ay u fikirayso iyo  sida  ay wax qabsanayso, taa saana halbeeg u noqon karta, xagga loo  socdaa meesha ay tahay.
Xaqiiqda maanta dhulkeena taalaa waxay  inoo sheegaysaa in aynaan haynin dhabihii loo mari lahaa nolosha aynu maanka ku hayno.
Waxaana taa  sabab looga dhigi-karaa borobogaandaha qabyaaladda la  huwiyay ee dhulkeena sida dabaylaha u garaacaya, kaa  soo   saameyn taban ku yeeshay habkii  ay   bulshadeenu u fikiraysay,  gaar ahaan kuwii laga sugayay in ay bulshadooda  u horseedaan horumar iyo barwaaqo ku qotoma cadaalad iyo sinaan.
Waxyaalaha furaha u ah in ay bulshooyinku horumar  ku tallaabsadaan waxa kow ka ah, hadba sida ay u fikirayaan  kuwa  bulshada hogaanka  u ahi,  gaar ahaan kuwa siyaasadda, kuwa aqoonta, kuwa saxaafadda iyo kuwa dhaqanka, taa soo ay waliba  jaangoyso tirada boqolleyda ugu badani xagga ay raacsan tahay, haddii   60-80%  ay laabahooda ka guuxayso aragti horumarineed,  oo ku qotonta midnimo, aqoon iyo karti, waxa hubaal ah in bulshadaasi hayso dhabihii horumarka.
Haddii boqolleyda tirada ugu badan ee labeenta bulshada ay ka madhan tahay aragti iyo himilo ay ku hogaamiyaan bulshadooda (vission and mission), waxay bulshadaasi dhaxashaa colaado iyo saboolnimo is barkan oo nolosha ka aafeeya.
Hadaba xaaladda maanta dhulkeena  taalaa maaha miday  ku farxayaan cidkasta oo uu damac ka hayay, in ay aragto S/land oo barwaaqo iyo horumar ku naaloonaysa,  maxaa-yeelay waxaad arkaysaa aqoonyahankii wadankani lahaa  oo aanay ka muuqan gudashada waajibaadkii ka saarnaa  in ay bulshadooda ka sabata bixiyaan xanuunka qabyaaladda ee sida ba’an u aafeeyay, taa soo ay wali muuqato inay tahli-la’yihiin sidii ay bulshadooda ugu jeexi-la-haayeen dariiq cusub oo ay kaga gudbaan  deyrka saboolnimada iyo kala daadsanaanta.
Waxa  kale oo aad arkaysaa  da’yartii wax baratay ee lays lahaa waxay la iman doonaan aragti cusub oo ka duwan tii hore  ee aynu ku dayownay, oo iyagiina xaalkoodu dhaafiwaayay in ay ku daba-faylaan, kooxoha ay  qabyaaladu u tahay xirfada ay ku  xoogsadaan, waxa kale oo aad arkayso in doodaha ugu badan ee ay  dhalinyaradu iswaydaarsanayaan ay ka bidhaamayso qabyaalad iyo kala qaybsanaan weyn oo ka dhexjirta da’yarta soo koraysa.
Waxa  iyana uurkutaalo iyo xanuunba  kugu reebayasa, markaad aragto   siyaasiyiintii  laga sugayay in ay ummadooda mideeyaan  oo abaabulaya shir beeleedyo ummadda lagu sii kala fogaynayo, taa soo hadala ay jeedinayaanna ay ka muuqanayso aragti qabiil ku talaalani.
Waxaad iswaydiinaysaa miyaanay garwaaqsan siyaasiyiinta S/land  in sharafta iyo karaamadu ku jirto shacabka oo la miyeeyo, laguna hogaamiyo sinaan iyo cadaalad?.
Miyaanay garwaaqsan in baahida ugu weyn ee shacabkani tabayaa ay  tahay, in laysu-geeyo maalkoodo, muruqooda iyo masgaxdooda?, taa soo ah sifada ugu haboon  ee lagu qiimayn karo siyaasiga  xalaasha ah,  ee ay gubayso aragti ummadeed, islamarkaana ay  ka muuqato han iyo himilo toolmooni.
Arintan kale  ee iyana walwalka lihi waxa weeyaan, markaad aragto madax-dhaqameed warbaahinta marinaya erayo   dhiilo  leh oo lagu kala dhantaalayo midnimada  iyo wadajirka bulshada S/land, ku waa soo markay ereyadaya  dhiiftu ka muuqato ay  bulshadooda ku dhex-tuurayaan,  isu muujinaya in ay   difaacayaan xuquuqda reeraha ay ka dhasheen, waxay’se xaqiiqdu  tahay in aan cidina uga cadowsanayn  cidda  maanta u kala abtirinaysa  shacab walaalo ah,  oo waliba dan-wadaag ah.
kuwa horumarka iyo wada-noolaansha ku caaroodaa, waxay u jeedooyinkooda dahsoon  u adeegsadaan, borobogaande iyo buunbuunin ay bulshada ku marin-habaabinayaan, taa soo ay uga denleeyihiin in  ay ku gaadhaan danahooda ka sameysan xuubka caarada.

Cidda’se dhibaatadu haysataa waa masaakiinta la lug dhabaysa duruufta iyo waayaha ku meersan, ee hadana maalin walba meel madaxa loo galinayo.

Waxay  shacabkani maanka ku hayaan, kaalinta ay kaga jiraan tartanka ay dunudu wadaagayso, kaa soo la xidhiidha  ilbaxnimada iyo aqoonta ay dunidu maalayso, iyo sida ay iyagu meel cila’ah uga taagan yihiin cilmiga iyo xadaarada ay dunidu laba-lisayso, waxaanay iswaydiinayaan maxay caqliga iyo garashada inagu jirtaa ay ugu fikiriwaday, sida ay u fikirayaan dadyowga kale ee koonkan inagula nooli? Waxay iswaydiinayaan ma xoogga, masgaxda iyo dhulka aynu leenahay ayaan la mid ahayn kuwa ay dadyowga kale leeyihiin?.

Wax kastaba ha iswaydiiyaane, xaqiiqdu  waxa  ay  tahay in ummadaha horumaray ay ka faa’iidaysteen  fursadihii iyo  jaanisyadii  ay heleen intii ay ku soo jireen, hayaankii dheeraa ee ay noloshu soo maraysay, inagana aanay waxba inooga kordhaynin isbadalada iyo dhacdooyinka  habeen iyo maalinba inna soo marayaa.

Si kastaba ha ahaatee waxay shacabkan masaakiinta ahi eersanayaan, dadkii inta ay dunidu kala macaashaysay iyaga qabiilooyinka u kale ooday. La soco qayb kale. By  Cumar AxmedCali.cumaraxmed331@gmail.com/0634244802.

Advertisement

Ku Xayeysiiso