Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md-Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dadweynaha Cimada Somaliland Tukashada Salaada Ciidu Odxada ,fariinna U Diray Madaxda Somalia

(Toggaherernews)-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md-Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dadweynaha Cimada Somaliland Tukashada Salaada Ciidu Odxada ,fariinna U Diray Madaxda Somalia…

Madexweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:

(Maalinta ciidul odxada waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda muslimka ah gaar ahaan ummadda Somaliland ilaahayna waxaan weydisanaynaa dambi dhaaf in uu dambigeena dhaafo o kii waalidkeena dhaafo oo kii muslimiinta wixii dhintay uu dhaafo oo maytaadkiinii uu u naxariisto inagana inooga dabo naxariisto ilaahay waxaan ka baryeynaain khilaafka inaga ilaahay waxaanu ka baryeynaa in colaad cadhay iyo cudur inaga ilaaliyo ilaahay waxaanu ka baryeynaa in barwaaqo iyo bashbash ciidaa ciideeada inagu gaadhsiiyo ilaahay waxaynu ka baryeynaa wixii wanaagsan oo khudabdii sheekha ayaa maanta hadal dhamaysay hal qodob oo aan ku raacsanahay ayaan halkani ka sheegayaa haddii aynu somaliland nahay dhammaanteed waxaynu raacsanahay khudbadaa nabiga (scw) ee ah dhiiga islaamku waa xaaraam haddii aynu somaliland nahay gudaheena iyo jaarkeena cid walba nabad ayeynu uhaynaa iyo walaaltinimo habeenadan waxaynu maqlaynay ayaamo taqshiirka ah in dhiig ladaadiyo ama colaad la abuuro in dowladii somalia oo dhaar ku maraysay in somaliland la soo weeraro in aanay dagaalka ka joojinayn waana mid la yaab leh maanta somalia kameynaan fileyn oo aynu ognahay somaliland wixii ku dhacay haddii aynu inagu walaaltinimo iyo nabad ka taagan nahay oo aynu leenahay dagaal ,colaad iyoa  khasaare waxaa somaliada ugu filan intii hore dadka masuuliyiintaah ee muqdisho iyo garoobe joga ee aamnta ku dhaaranaya in ay somalialnd soo weerarayaan waar anagu wixii hore ee nagaadhay waan qabnaa nabadna waan ka doonaynaa soomaali maanta in ay isku dhimato diiniyan iyo dadnimadaba sax ma aha waxaanse ku darayaa oo somaliland waxaan u sheegayaa haddii ay weerarkaasiay soo qaadaan in aynu hayno difaac inagu filan waxaanu usheegaynaa inaanay xuduudaha somaliland aanay khalkhalgalin waxaanu u sheegaynaa nabada intaasi aanu ku baaqaynaa in ay tahay waayo aragnimo iyo danta guud oo loo wado guntado dhammaan somaliland waxaan u sheegaynaa in ay taasoogaadaan oo aanay cidna colaad u haynin cidii ka maarmi weyda ee wixii hore ee dhacay xamar ka soo hanjabaya miirqab uma aragno hadii ay nasoo weeraraana dalkayaga waanu daafacaynaa).

Advertisement

Ku Xayeysiiso