War dag dag ah : Madaxweynihii Xilka Shalay dhiibay Cabdi Maxamuud iyo Raxan Wasiiro ah oo Kulan Alabaabadu u xidhan yihiin kula leh Magaalada Adiss Madaxda Sarsare ee Federalka kana wada hadlaaya Xiisada Kacsan iyo Sidii loo damin lahaa.

Warar hoose oo hada ka soo baxaaya Illo u dhawdhaw Xukuumada  ayaa sheegaaya in madaxweynihii hore ee dowlad deeganka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo saaka looqaadey Adis Ababa isaga oo  ay wahelinaayaan xubno ka tirsanaa xukuumadiisii Sida Wasiirka Tacliinta Ibrahin Sacad, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abdi Mahad, Wasiirka Cadaalada Abdi Jamaal iyo Afhayeenka Barlamaanka Maxamed Rashiid iyo xubno kale oo kawada tirsanaayeen xukuumada ayaa la sheegayaa in ay kulan wadayeesheen madaxda fadaraalka taasoo warar is khilaafsan kasoobaxayaan kulan koodaasi.

Kulankan ayaa Madaxda Federalku iyo Kuwan deegaanku ay ku lafo gurayaan Xaalada Amaan ee ka sii daraysa taas oo u muuqata mid faraha ka sii baxaysa.  ilaa imika lamahayo inuu Abdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii Xilka Dhiibay Shalay in uu Saamayn ku yeelan doono dajinta iyo daminta xiisadaha kacsan.

Mar aanu isku daynay in aan Khadka Telefoneka kula xidhiidhno Wasiirada la socda ayaa Ay telefonadoodu Dansanaayeen.

Waxii warar kasoo kordhana kalasoco Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso