Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Tartan Loo Gelidoono Deeq Waxbarasho Oo Jaamacadda Dawladda Ee Itoobiya U Fidiysy Shaqaalaha D. S/land

Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday tartan Deeq Waxbarasho oo  heerka 2aad ee (Masters degree)-ga  ay shaqaalaha dawladda ee Somaliland ugu deeqdaya Jaamacadda Dawladda ee waddanka Itoobiya.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa shaaciyey Deeqda Waxbarasho ee shaqaalaha dawladda Somaliland ay ugu deeqday Jaamacadda dawladda ee Itoobiya, isaga oo shaaciyey shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha danaynaaya inay ku guulaystaana ama ka qaybgalaan Deeqdaasi waxbarasho oo shuruuda 1aad ay tahay in dadka CV-dooda soo xaraysan karaa ee tartanka ka qaybgeli karaa ay yihiin kaliya shaqaale dawladda Somaliland u shaqeeya cid kale oo aan dawladda u shaqayna aan CV laga qaban doonin.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ku dhawaaqay tartanka loo geli doono deeqdan waxbarasho ee dawladda Itoobiya siisay shaqaalaha dawladda ee Somaliland iyo sida looga qaybgeli karo wuxu yidhi.

 

Fursad Deeq Waxbarasho “Shaqaalaha Dawladda”

 

Ku: Dhammaan Shaqaalaha Dawladda JSL

 

Adeegayaal,

Sida aad la socotaan, Sannad walba Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo kaashanaya Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ay bixiyaan deeq waxbarasho oo ay ka helaan Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Itoobiya (Ethiopian Civil Service University).

 

Haddaba, si taas lamid ah sannadkan waxa aanu Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda Ethiopia ka helnay deeq waxbarasho oo heerka labaad ah “Masters degree”

 

Sidaa darteed, shaqaalaha Dawladda ee buuxiya shuurdaha hoos ku xusan waxa aan ku wargelinayaa in ay degdeg ula xidhiidhaan Wasaaradda/Ha’adda dawladeed ee ay ka hawl-galaan si ay fursad ugu helaan tartanka loo gelayo fursadahaa waxabarasho.

 

Shuruudaha Codsadaha:

1. Waa inuu/inay yahay/tahay Somalilander

2. Waan inuu/inay yahay/tahay shaqaale dawladeed

3. Waa inuu/inay ugu yaraan soo shaqeeyay/say 2 sanno

4. Waa in aanay da’diisu/da’deedu ka waynayn 45 jir

5. Waa inuu/inay haysto/haysato shahaadada jaamacadda heerka koowaad

6. Waa inay celceliska dhibcaha qalinjabinta shahaadada jaamacadda heerka koowaad yahay ugu yaraan (CGPA=3.50)

 

Kobcinta aqoonta shaqalaha dawladda iyo daah-rognaana fursadaha waxbarasho iyo shaqo waa halbeega hiigsiga u ah Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso