” Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo”! Xil Axmed Fiqi

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Taagta Daran ee Muqdosho ayaa sheegay in Hadalkii in cuna qabtaynta laga qaado Eritrea ee Farmaajo abaal ka dhac ku yahay Walaalaha Djabuuti Sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu soo saaray Xil Fiqi ayaa u dhignaa Sidatan:-

Taariikhda iyo Sooyaalka umadeed laguma bedeli karo hadal iska tuur ah iyo ficilo aan laga fiirsan oo miyir-qabka iyo dheelitirnaantu ka maqan tahay.

Siyaasadda qar iska tuurka ee madaxweynaheenu dhaawaca ugu geystay walaalaheen Djibouti waa abaaldhac iyo taariikh dhaamis, una baahan in la saxo isla markaana laga garaabo!

Habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu I soo xasuusiyey xikmaddii aheyd “bil saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gayso”! Siyaasadda iyo go’aanada dawladeed waxey u baahan yihiin xeerin iyo xeeldheeri, geesinimo iyo kal-adeyg, Uma baahna tanaasul joogto iyo ku xadgudub qiyamta umadda

Djibouti waa walaalo, aysan jirin cid booskooda noo geli karta, xaalad kasta iyo waqti walbana waa garab taagannahay!

Advertisement

Ku Xayeysiiso