Wasiirka Caddaaladda ee Turkiga: Hal Qirshi Iima Yaalo Dalka Maraykanka!

Wasiirka Garsoorka Turkiga Abdul Hamid Gul ayaa isaga oo la yaaban go’aanka Mareykanka ee ku aaddan cunaqabatayn aad u culus oo lagu soo rogay sababtoo ah xidhitaanka Qayska Mareykanka Andrew Branson oo ay xidheen mas’uuliyiinta Turkiga.

Abdul Hamid Gul ayaa ku sheegay hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee ku saabsan go’aanka maamulka Maraykanku waxaanu sheegay inuu ku noolaan doono oo keliya Turkiga ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa, isaga oo sheegay in uusan maalgashi ku lahayn Mareykanka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi waxaan ku noolaan doonaa dhulkan waanan ku dhiman doonaa , hal geed kuma lihi Maraykan iyo dal kale toona wax maalgelin ah kuma lihi hal Qirshina Alla ha ka yeelee dibada Turkiga .

“Waxaa suura gal ah inaan maal gashan doono bustaan yar oo saliid Saytuun ah magaaladayda Gaziantep (waa magaalo Turki ah),” ayuu yidhi.

Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay Arbacadii in Maraykanku uu cunaqabatayn adag ku soo rogay wasiirrada caddaaladda iyo amniga gudaha ee Turkiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso