Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Shirweynihii Nabadaynta Deegaanka Ceel-afweyn Iyo Beelihii Dhawaan Halkaasi Ku Dagaallamay Oo Nabad La Dhex dhigay

Ceel-afweyn:01/2/2018(ToggaHerer)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah usoo afmeeray shirweynihii nabadaynta beelaha walaalaha ah uga socday deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo guul iyo is af-garad kusoo dhammaaday.

Shirweynahan oo in muddo ah gudaha degmada Ceel-afweyn ka socday, ayaa waxa madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgalay culimaa’udiinka ugu caansan dalka, hoggaanka axsaabta qaranka, xildhibaanno, waxgaradka, salaadiinta, garaaddada iyo badiba aqoonyahanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana lagu soo afmeeray go’aamo ay si hufan ugu qanceen beelaha walaalaha ee deegaankaas ku wada nooli.

Ergada qaranku u xilsaaray turxaan bixinta colaadda dhex taallay labadan beelood oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa gunaanadka shirka kasoo saaray qodobbo 14 ah oo ay dhinacyadu ku qanceen.

Ugu danbayn Madaxweyne-ku-xigeenka JSL oo shirweynahaasi xidhay ayaa si weyn ugu mahad celiyay labada beelood ee sida bilaa shuruudda ah u aqbalay nabadda iyo qodobbada laga soo saaray shirkaba,isagoo sheegay in Xukuumadda Somaliland ay u soo jeesanayso horumarka deegaannada bariga Somaliland gaar ahaana gobolka Sanaag.

Advertisement

Ku Xayeysiiso