Khilaaf ka dhex qarxay Dawlada Somalia iyo Jabuuti , Jabuuti oo War-saxaafadeed soo saartay

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ku leedahay magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay si weyn uga naxeen hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya intii uu booqanayey magaalada Asmara ee ahaa baaqii uu QM kaga codsaday inay cunaqabteynta ka qaado dalka Eritrea.

“ Dowladda Jabuuti waxay aad uga naxday hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sheegay intii uu ku guda jiray safarkii uu ku tagey Asmara kaasoo uu ugu baaqay qarama-midoobay inay ka qaadaan cunna-qabateynta la saaray Eriteria tan iyo sanadkii 2009kii kaddib markii ay xasillooni darro ka abuurtay dowladaha la deriska ah gaar ahaan taageerada ay siiso kooxda Alshabaab iyo muran dhuleedka kala dhaxeeya Jabuuti.

“Waxaa u wanaagsaneyd madaxweyne Farmaajo inuu warkiisa ku xuso dhibaatada ka taagan xuduudda Jabuuti ay la wadaagto Eriteria kuna boorriyo Eriteria in wadahadal nabadeed lagu xalliyo murankaas”ayaa lagu yidhi war saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

“Jabuuti dhibaato ayaa soo gaadhay waxayna ku weyday wiilal iyo gabdho geesiyaal ah dagaal ay la gashay Eriteria walina murankaas waa ka jiraa xuduudda labada dal. Uma dul-qaadan doonno wadahadallo naxariis-darro ah iyadoo wiilasheenna iyo gabdhaheennu ay wali Soomaaliya u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasilloonida”

Dhinaca kale Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi loo sheegin sababta iyo inay la xidhiidho walaaca Jabuuti ka qabto Safarkii Farmaajo ee Eritrea.

Advertisement

Ku Xayeysiiso