Iran oo Sheegtay Wada hadal ay la galaan Maraykanka Xiligan in aanu Suurtagal ahayn


Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Iran ayaa xaqiijisay in wada hadal ay la galaan Mareykanka wakhti xaadirkan aanu macquul aheyn marka la eego xilligan la joogo.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Bahram Ghasemi ayaa sheegay shir jaraa’id oo maanta oo Isniin ah uu qabtay kaas oo uu ku sheegay in siyaasadda Mareykanka ee hadda aanay meeli uga banaanayn wadahadal iyo gorgortan, maxaa yeelay, Washington maaha mid la rumaysan karo .

Waxaa uu cadeeyey marka la eego duruufaha hadda, oo ay ku jiraan Mareykanku inuu ka baxo heshiiska Iran si iskeed ah bishii May, iyo hababka Washington ee ka soo horjeeda Iran iyo cadaadiska dhaqaale ee Iran iyo cunqabateynta lagu soo rogay, ma jiri doonaan suurtagalnimada mid ka mid ah wadaxaajood,ayuu ku yidhi Shirkiisa Jaraa’id.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso