Madaxweynaha Filibiin ayaa ugu baaqay kooxda Abu Sayyaf wadahadal nabadeed

Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterti ayaa ugu baaqay kooxda hubeysan ee Abu Sayyaf in ay qayb ka noqdaan wadahadal nabadeed oo loogu talagalay in la soo afjaro dagaalka socda.

“Fariinta aan u dirayo Abu-Sayyaf waa inaan ugu yeedhi codsi nabadeed,” ayuu Duterti ka yidhi hadal uu jeediyay Jimcihii.

Abu Sayyaf ayaa mas’uul ka ah afduubyo badan oo lagu bar-tilmaameedsanayo muwaadiniinta iyo ajaanibta ku sugan Philippines.

Dutarti ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Abu Sayyaf in ay siiyaan fursad ay ku helaan sharciga aasaasiga ah ee Bangsamoro, taas oo ah guulaha heshiis nabadeed oo dhex maray xukuumadda Filibiin iyo Mujaahidiinta Islaamka Moro afar sano ka hor xilligii madaxweynihii hore Benino Akino.

Hadalka Duterti ayaa yimid ka dib markii uu xaqiijiyay Jimcaha Xeerka Aasaasiga ah ee Bangsamoro, kaas oo siinaya maamul hoosaad dadka laga tirada badan yahay ee Moro ee gobolka Mindanao iyo jasiiradaha ku xeeran, ee koonfurta Philippines.

Tan iyo markii ay ka go’day Moro Islamic Front sannadkii 1991-kii, Kooxda Abu Sayyaf waxay fulinayeen qaraxyo, afduubyo iyo dilal iyo la abuuro dawlad ka madaxbannaan Filibiin oo Islaami ah.

 
Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso