Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Waxay Cod Gacan taag Ah Ku Ansixiyeen Xeerka Maareynta Deegaanka Dalka,Xeerkaasi Oo Ay wax Ka Badal Iyo kaabis Ku Soo Sameeyeen Mudanayaasha Guurtidu..

(Toggaherernews)-Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Waxay Cod Gacan taag Ah Ku Ansixiyeen Xeerka Maareynta Deegaanka Dalka,Xeerkaasi Oo Ay wax Ka Badal Iyo kaabis Ku Soo Sameeyeen Mudanayaasha Guurtidu..

fadhigii maanta ee Golaha wakiilada somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi mudane-baashe Maxamed faarax ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen xeerka maareynta deegaanka Ee wadanka ,xeerkaasi oo ay hore wax ka badal iyo kaabisba ugu soo sameeyeen mudanayaasha golahaasi wakiiladu ,fadhigiaasi ayaa waxa uu qaatay mudo  saddex saacadood ah waxaanay mudanayaashu naaqishaad iyo wax kabadal ku samaynaayeen qodobada xeerkaasi ka kooban yahay.

Geesta kalena Xildhibaan cabdiraxmaan xoog ayaa fadhigaasi ka cadhooday kana baxay fadhiga ,ka dib markii ay hadalo si hoose isku tuurtuureen xoghayaha guud ee golaha wakiilada somaliland cabdirisaaq siciid ayaanle ,waxaanu qoraaga warbixintani indhihiisa ku arkaayey xildhibaankaasi oo xamaantiisa urursaday ka dibna golahaasi si degdeg ah uga baxay hadalona hoos kaga tuuraayey xogahayahaasi..

Dhagayso warbixintaasi Ansixinta xeerkaasi Maareynta Deegaanka .(Diyaarinta-Caydaruus Cismaan-Mr(Ayuubi).

Daawo Muuqaalada Mudanayaasha ..

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso