Muuse Biixi Iyo Taladda Dalka “Qaybtii 3aad

Marar Badan Waxa Dhacda In Dhibanaha Jecel In At Wax Hagaagaan Inuu Jeclaysto Nin Cadaadiya Oo Taladda Iyo Awooda Ka Xayuubsada Was Xaalad Dadka Cilmi-Nafeedka Aqoonta u Lihi Yaqaanaan Sidaa Awgeed Dadku Waxay Doonaan Nin Adag Oo Taladda Xayuubsada Hantida Ku Tagri Fala Dadka Qaar Yara Xidh Xidha Iyana Kala Xada 

Ila Eega Sheeko Gaaban oo Go’aan Qaadashada ka hadlaysa

Boqorkii iyo Go’aanka Joojinta Dahabka

Boqor boqorada ka mid ah ayaa go,aan soo saaray uu ku joojinayo in dumarku xidhaan dahabka iyo wixii la mid ah ee dumarku isku qurxiyaan oo dhan. Waxa ka dhashay go’aankaa buuq iyo qaylo iyo diidmo iyo weliba dumarkii oo aad u xidhay dahabkii iyo wixii la isku qurxinaayay.

Boqorkii ayaa wareeray oo yaabay wuxuu sameeyo ayuu garan waayay, wuxuu iskugu yeedhay la Taliyaashiisii. Mid ka mid ah la taliyayaashiisa ayaa ku taliyay inuu ka noqdo go,aankaa waayo kuma jirto danta guud, mid kale ayaa yidhi hadaynu ka noqono waxay tilmaam u noqonaysaa jilayca dawladda markaa waa inaynu muujinaa awoodeena, La taliyaashii laba ayay u kala qaybsameen qolo taageersan iyo qolo ka soo horjeeda mucaarid ku ah go,aanka Boqorka, Boqorki ayaa doodii joojiyay. Wuxu yidhi boqorkii iigu yeedha ninkii magaalada ugu xigmada badanaa
“Marka Caqliga Iyo Waayo Aragnimadu Shaqaynayso”
markii uu yimid ninkii ayaa loo sheegay mushkiladan soo food saartay Boqorka, Wuxu yidhi ninkii xikmada badanaa boqoryahow dadku ku ogolaan maayaan hadaad ku fakartid waxaad adigu doonaysid oo aanad hoos u eegin waxay iyagu doonayaan

Boqorkii ayaa yidhi maxaan yeelaa ? maan ka noqdaa go,aanka:

Maya ayuu yidhi balse soo saar go,aan leh waxaan JOOJINAY inay dumarku gashadaan dahabka iyo wixi ila mid ah waayo dumarka quruxda badani uma baahna inay is qurxiyaan ….. Sidoo kale soo saar go’aan aad kaga reebayso dumarka fooshaxun, oo aad leedahay si ay foolxumadooda ugu kabaan iyaga waa loo ogol yahay dahabka iyo wixii la mid ah (ilaahay ayaa qurux iyo foolxumo hayee waa sheeko aan cidna u jeedin)

Go,aankii ayuu boqorku ku dhawaaqay … marka laga joogo saacado ayaa la waayay dumar dahabka xidha oo gabadh waliba isku aragtay inay quruxbadan tahay oo aanay u baahnayn dahab.

Ninkii xikmada badanaa ayaa ku yidhi boqorkii imika ayay ku ogolaanayaan dadku Markaad dadka caqligooda ku fakartid oo ogaatid waxay danaynayaan oo dareenkooda dhex qaadid kolay luqada lagula hadlaaayo shacabku waa inay noqotaa luqad ay fahmayaan Waxa haboon in go,aanka dawladdu ay qaadanayso iyo rabitaanka dadku iska qaataan si himilooyinkeena loo xaqiijiyo

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso