War Deg deg ah: Xasan Khayre Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadiisa

Wareegtk kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Maamulka Muqdisho maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

 

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Maamulka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta u sheegay Digreetadan.

Caydhintan ayaa ku soo beegnaysa xilli maalintii shalay uu wasiirkani sheegay in aanay aqoonsanayn Jaamacadaha Dalkaasi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso