xuquuqda Aadanaha

xuquuqda Aadanaha

Ahmed Mo

Salaan ayaan marka hore idiin soo gudbin, a s caleykum wa raxmatuLlaahi .
Waxan jeclahay inaan idinsoo dhexdhigo iftiimin jaahwareero ku jira da’yar ta somaliland iyo  inta aqoonyahan sheegata qayb badan oo dadka saxaafaddu ka mid yihiin.Hadalkaygan gaabani maaha maqaal,waa xasuusin.waxan xiiseeyaa wanaagga iyo warka horumar xalaal ah leh ee somaliland anigoo ingiriis ku nool oo in soddon sanadood wax yar dheer Asia iyo Europe jooga.Waxa caddaan ah in jaahwareer badan iyo wax aan is daboolayni ku qorantahay saxaafadda ama codkiisaba qof ku tiraabayo had iyo jeer , waxa ka mid ah wax khuseeya Dimuqraadiyadda iyo beelo, xuquuqda Aadanaha, saamiqaybsi haddii wax yar lagaso qaato.

Hayaddaha xuquuqda Aadanaha oo dad iyo dal  muslin ah laga dhex wado markaad aragto,maqasho waxaad garan in ay tahay dukaan qof ama koox ku shaqeysanayso oo hayadaha gaalada ku shaxaadI, ama ay tahay wax uun qof aan wax u kala caddeyni iska soo naqishay ama is ka soo waariday; xuquuqda aadanaha waxa qodobaystay oo samaystay aadanaha dunida kunool kuwa diinla’aanta ah, diinina waa Islam uun sida waynnu swt inoo sheegay. Iyadoon u baahnayn in lagu dheeraadaba ama laga doodo wax Alle swt meel dhigay, xaq oo dhan mid noole ama manoole lagu dhaqo, xaq Abuure (Alle swt) iyo la’abuure (noole iyo manoole)  u dhexeeya kulli kitaabka Alle swt iyo xadiiska rasuul cs Ayaa la inoogu qeexay- waa dastuur dhamaystiran oo cirka iyo dhulka iyo waxa dhexdooda yaal Allaha abuurtay soo raacshay, wax ka dhiman oo gaal miskiin ah oo jaahwareersan oon u baryaynu haddaynta Alle swt laga raadiyo oo xaquuq aadane ahi ma jirto. Marka laga yimaaddo diinlaawe intuu diinta islaamka ka dheegtay markuu xaquuqda Dadkiisa (u fiirso:DADKIISA) qorayay waxa soo raaca waxa weeyi qofku wixii cajabiya uun  ha yeelo oo hadduu nin yahay oo nin inu guursado doono Iwm xaq buu u yeelan; tan uunbay Uga dhaadhici  sida dhidar xabaalo qoday oo qudhun Uga dhaadhici,kuwa Hargeisa iyo Burco xuquuq aadane usoo waariday Ee saxaafadda la hortaagan Mararbadan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso