Reer Somaliland Waxaan UGu Baaqayaa In Ay Halkoodii Hore Ku Adkaystaan Oo Aanay Duufaanada Dabaylaha Oo Khaas Aahaan Aynu Ka Dhaxalnay Doorashadii Udambaysay Aanay Ruxin Shacabka Reer Somaliland Ee Wadada Dheer Ee Qarfaha Ah Soo Maray-Siyaasi Cali Warancade.

(Toggaherernews)-Reer Somaliland Waxaan UGu Baaqayaa In Ay Halkoodii Hore Ku Adkaystaan Oo Aanay Duufaanada Dabaylaha Oo Khaas Aahaan Aynu Ka Dhaxalnay Doorashadii Udambaysay Aanay Ruxin Shacabka Reer Somaliland Ee Wadada Dheer Ee Qarfaha Ah Soo Maray-Siyaasi Cali Warancade.

Siyaasi Cali Maxamed Waran cade ayaa Si Heersare ah dalka loogu soo dhaweeyey ,waxaanu xaalada dalka ka yidhi:

(Uqaasha,haweenka iyo dhalinyarada halkani nagu soo dhaweeyey qalbi wanaagsan ayaanu idin kala kulanay waanan idiinka ahadcelinaynaa soo dhaweynta qiiaha iyo qaayaha badan aad iyo aadna waxaan ugu faraxsanahay anigoo muddo dheer maqnaa oo dhowr wadan oo dunida ah soo maray oo jaahliyadaha dibadaha ee Somaliland soo maray hadii ay tahay ingiriiska ,ustareeliya imaaraadka ,itoobiya iyo meelo kaleba waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan galabta ku soo nabadqab  noqonay.

Tan labaad waxaan aad iyo aad uga xumahay sida ay sheegeen ragii iga horeeyey intii aan maqnaa waxoogaa yar oo qardoofooyin ah in ay jirjireen waxyaabahaasi waa waxyaabaha runtii halista ku ah jiritaanka iyo wado jirka ummadda Somaliland markaasi waxaan runtii jecelahay in aan halkaniuga baaqo somaliland waxay ku soo caano iyo nabad maashay isku tanaasul iyo isjecayl iyo in la isku damciyo dunta taasi waxaan leeyahay oo aan reer somaliland ugu baaqayaa in halkoodii hore iyo wado jirkoodii hore ay ku adkaystaan oo aan duufaanada dabaylaha taasi oo aynu ka dhaxalnay doorashadii u dambaysay aanay ruxin shacbi weynaha reer somaliland ee wadad dheer ee qarfaha ah soo maray maantana urinaaya naacowdii horumarka iyo dowladnimada .

Runtii mudadii aan dibadaha maraayey saddex qolo ayaan aad ula yaabay waxaanay kala ahaayeen  siyaasi cadhaysan oo bulshadii dhexgalay iyo beelihii ,suldaan aad oodo in siyaasadii uu ku milmay iyo qurbo joog qabiil noqday oo runtii jaho wareeray oo iyagoo dowladaha dunida ka haysta nolol ,waxbarasho iyo amni,hadan somaliland dhexdeeda ku foogan in balaayo ka dhacdo oo dadku beelo u kala baxo oo la isqabsado inta badan ku foogan ayaan indhaha dusha kaga hayey intii aan maqnaa ilaahayna waxaan ka baryayaa in kuwaasi uu soo hadeeyo ummadda reer somalilandna wanaagoodii iyo wado jirkoodii halkoodii ka wadaan waayo dowladnimo iyo qabyaaladnimo meel ma wado galaan ,siyaasad qabiil iyo mid dowladnimo meel ma wado galaan ,siyaasi qabiili ah iyosiyaasi qaran doon ahina meel ma wado galaan .

Siyaasiyiintana waxaan ugu baaqayaa in ay ka baxaan qabyaalada iyo reeraha dhexdooda ay jaho wareeriyeen ee siyaasadii lagu ogaa ee ay kowda u ahaayeen ama in ay u madaxbanaanaadaan oo ay u soo tafo xaytaan laakiin ay ka daayaan dibin daabyada ay kula meeraysanayaan beelaha iyo umadda reer somaliland .

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan (Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso