Trade Office (Xafiis Ganacsi), W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

Trade Office (Xafiis Ganacsi)

Xafiis Ganacsi ma yahay oo ma qaban karaa shaqo diplomaasiyadeed?
Safaaradaha iyo xafiisyada diplomaasiyadeed ee joogtada ah, ee dalalka dunidan danwadaaga ku ahi is waydaarsadaan waxa ay ka koobanyihiin unugyo ama qaybo ay ugu muhiimsanyihiin;
1. Qaybta ganacsiga
2. Qaybta militaryga
3. Qaybta dhaqanka
Xafiisyadan waxa ka hawlgala diplomaasiyiin loogu yeedho ku-qaybsanayaal, iyaga oo ka tirsan sifaaradda, haddana waa diplomaasiyiin u madax banaan hawlahooda shaqo si toos ahna u hoos taga madaxda ay shaqooyinkooda ku qaybsanyihiin sida, Wasiirka Ganacsiga, Gaashaandhiga, ama hiddaha iyo dhaqanka.
Qaybta ganacsi ama xafiiska ganacsi waxa uu jaan gooyaa oo ku sidkan shaqadiisa heerka xidhiidhka diplomaasiyadeed ee laba dal yeelan karaan, Tusaale ahaan Hadii xidhiidhka ganacsi ee laba dal ka dhexeeyaa wanaagsanyahay, xaddiga lacagta ee la is waydaarsanayaana aad u badanyahay, xidhiidhkooda diplomaasiyadeed waxa uu noqonayaa mid aad u sareey.
saraynta heerka xidhiidhka diplomaasiyadeed waxa uu sahlayaa isku soo dhawaanshaha labada dal iyo is ku socod ka dadkooda, sidan si la mid ah xidhiidhka milliraty waxa uu dhex maraa laba dal oo xidhiidhkooda diplomaasiyadeed aad u wanaagsanyahay ama, danwadaag ah, ha wadaagaan dano dhaqaale, mid bulsho oo ah, tusaale ahaan dad is xiga sida Carabta, ama leh cadaw mid ah (common enemy).
Saddexdaa xafiis hormuudkooda oo ah Xafiiska Ganacsiga waa mid gaar ahaantii u shaqayn kara kali ahaantiina waddamo is dhaafsan karaan, iyaga oo aan Safaarado is waydaarsan, waana Xafiiska heer ahaan ugu sareeya ee waddan aan la aqoonsanayn ka furto waddan kale.

Taiwan Case (xaalada Taywan)
Taiwan waa Waddan yar oo aqoonsi raadis ah, waliba kuwa ugu dadaalka badan, kana mid ah waddan waynaha China sida sharciyada caalamiga ahi dhigayaan, Taiwan oo ah waddan aan la aqoonsanayn, hadal haynta dunida ee goor walba ahi waa mid tusaale nool u ah in aan aqoonsi ka maqnayn, Haddana waddan kan yar waxa uu Culays aad u badan kala kulmay abuuridda xidhiidh diplomaasiyadeed oo uu dunida kula xidhiidho.
waddankan waxa u suurto gashay in uu dunida kula xidhiidho hab diplomaasiyadeed ka duwan is waydaarsi Safaaradeed ama xafiis diplomaasiyadeed oo joogto ah loona yaqaan Trade Office, Xafiiskan ku qaybsanimadiisa Ganacsani waxa uu dheeryahay jiridda danaha waddan ka leeyahay wadan kale.
Taiwan waxa ay badi waddamada waawayn ee dunida ku leedahay Xafiisyo Ganacsi halka qaarkoodna ay ku leedahayba Xafiisyo Dilplomaasiyadeed oo joogto ah, sidan si la mid ah ayaa Waddamada waawayn iyo kuwa kale oo Taiwan danwadaag la ahi ugu leeyihiin Taipei oo ah caasimada Taiwan.

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi
Email:qanoeid@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso