“Rooxaniyow ha noo Hanjabin haddii kale waxaad arki waxaan Taariikhda Lagu arag”Trump oo u hanjabay Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donlad Trump ayaa dhigiisa Iran Xasan Rooxani u balan qaaday inuu la kulmi doona cawaaqib xun sii wadida hanjabaadaha dalkiisa uu ku hayo ,waxaanu ka digay in sabirkii dalkiisa ka sii dhamaanayo.

Trump ayaa ku yidhi Rooxaani “Ha u hanjabin Maraykanka maanta laga bilaabo haddii kale waxaad arki cawaaqib aan la arkin mid la mid ah taariikhdana ku yar”.

Hadalka Trump ayaa imanaya ka dib hadalkii Rooxaani ee ahaa Dab Ku ciyaarka kaas oo Rooxaani ku sheegay dagaal kasta oo Maraykanku ku soo qaado Dalkiisa uu noqon dooni Hooyada Dagaal oo dhan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso