Eritrea Oo Dib u furanaysa Safaaradoodi Addis Ababa Axada


Addis Ababa, July 13, 2018 (ToggaHerer) –Safaarada Eritrea ee Addis Ababa ayaa dib loo furayaa maalinta Axada ah ee Saadambe sidaana Waxa Sheegay Ahmed Shide, Wasiirka Isgaadhsiinta Itoobiya.

Isniintii La Soo Dhaafay ayay labada dal wada saxeexdeen in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkoodi Dublamaasi furaana bog cusub.

Heshiiska labada Dal ayaa dhigaya in dib ay u furaan safaaradahoodi oo xidhnaa 20 kii sanadood ee u dambeeyey.

Safaarada Eritrea ee Ethiopia waxay shaqada bilaabi doontaa Axada ayuu yidhi Wasiir Axmed mar uu ka hadlayay Booqashada Maalinta Berri uu ku imanayo Itoobiya Madaxweyne Isaias Afeworki oo qaadan doonta Saddex Caano maal.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso