Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Culimada Ugu Caansan Geyiga Somaliland iyo dhulka Inta Afka Soomaaliga Ku Hadasha Oo Qayb Ka Ah Wafdiga Nabadaynta U Jooga Ceel-afweyn.

Ceel-afwayn-09-07-2018-(ToggaHerer)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wafdigiii uu hogaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Culimada ugu caansan dalkani Somaliland oo magaalada ceel-afweyn u yimi sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta dadka deegaankani ku wada nool.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka iyo Culimada ayaa si weyn uga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa colaadani, islamarkaana aanay dib ugu soo noqon lahaydn deegaanka, waxaana kulankaasi lagu faa-qiday qaababka loo xalin karo nabad-galyodaradda deegaanka ka jirta.

Culimada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u ballan qaaday inay doorkooda qaadan doonaan si hufan oo hanaansan islamarkaana ay ku sargoynayaan diinta Islaamka iyo garsoorkii Rasuulka NNKH.

 

       

Advertisement

Ku Xayeysiiso